Advertisements

Qarax xoogan oo qasaara u geystay dad badan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax qasaare gaystay lagu weeraray Kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaraxan ayaa lasheegay in uu hal qof ku geeriyooday ugu yaraana 15 kale ay ku dhaacmeen.

Ku xigeenka afhayeenka Booliska dalka Kenya Charles Owina oo magaalada Nairobi kula hadalayay warbaahinta ayaa sheegay in bamgacmeed lagu tuuray Kaniisad ku taala bartamaha magaalada Nairobi, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in 10-qof oo ka mid ahaa dadkii ku jiray Kaniisadda ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Qaraxaan ayaa ahaa mid kamid noqonaya qaraxyadii horay uga dhacay dalka Kenya tan iyo markii ciidamadeeda ay soo galeen dalka Soomaaliya bishii  October ee sanadka 20010-ka.

Charles Owino ayaa ka gaabsaday cidda ka dambeysay weerarkaasi wallow Al-Shabaab ay horay ugu goodiyeen in weeraro xooggan ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo ay sheegeen in ay jawaab uga dhigi doonaan soo galidda ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya.

Maraykanka ay dhowaan digniin ujeediyay dowladaha bariga Afrika in ay ka feejignaadaan qaraxyo iyo dhibaatooyin kaga yimaada argigixisada geeska Afrika, kuwaasi oo ay ugu aargudayaan dilkii loo geysta Hogaamiyihii Al-qaacidda ee Sheikh Osama Bin Laden.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: