Dagaallo saf-ballaaran ah oo xalay dhexmaray ciidamada dowlada, kuwa AMISOM & Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay ay Dagaallo ku dhexmaray magalaada Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

Sida lagu soo warramay inta la og-yahay waxaa dagaalkaas ku dhintay afar qof oo shacab ah oo uu ku jiro cunug yar , waxaana ku dhaawacmay toddoba ruux oo kale oo ahaa shacab, iyadoo ko dagaalka mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la shegay in Dagaalku saameyn weyn ay ku yeesheen dadka deegaanka waxaana laga qaxay goobtii ay dagaalada ka dhaceen, sidaas waxaa laga soo waryey dadka ku nool deegaanka Kaxda oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Magaalada Muqdishoayaa laga maqlayay hugunka madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac u adeegsanayeen dagaalka, waxaana saraakiil u hadlay DKMG ah ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid lagu carqaladeynayay ammaanka.

Dhanka kale Dowladda KMG ah iyo Al-Shabaab ayaa labaduba sheegay inaysan jirin khasaare kasoo gaarin dagaalladii xalay ciidamadooda, iyadoo dadkii rayidka ahaa ay soo gaareen dhaawacyada saakay loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

Si kasta ha u dhacee dagaalka waxaa la og-yahay in ilaa haatan ay Xarakada Al-Shabaab ay ku xooggan deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa waxay inta badan weerarro kusoo qaadaan saldhigyada ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Dharkeynley iyo jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: