Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga oo sheegay in aysan ujeedo gaar ah ka lahayn dalka Somalia.

undefinedHalkaan ka akhri

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga Selcuk Unal ayaa sheegay in doorka dawladda Turkiga ee Soomaaliya uu yahay mid muddo fog ah uuna leeyahay afar qaybood oo kala ah; 

(1) Kordhinta wacyiga beesha caalamku ka qabto xaaladda Soomaaliya,

(2) Dib  u dhiska wadanka Soomaaliya,

(3) Gacan ka gaysashada xasilinta dhinaca amniga iyadoo la kordhinayo gargaarka bani’aadannimo.

(4) Gacan ka gayshada dadaallada lagu raadinayo xasilloonida siyaasadeed.

Selcuk Unal oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dawladda Turkiga ay martigelinayso shirka Soomaalida ee bisha soo socota ee June, ayna la hadli doonto cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Turkiga uu sii wadayo gargaarka, si ay ugu suurta-gahso cid kasta ama qayb kasta oo wax ku leh waddanka in ay wada hadlaan.

Afhayeenka ayaa waxaa uu beeniyay in Turkiga uu qorshe qarsoon ka leeyahay wadanka Soomaaliya.

Source: VOA

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: