Saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Maraykanka ee Africa oo tababar siinaysa ciidamada Sierra Leone ee loo soo dirayo Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Tababarayaal ka tirsan taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa shegay inay tababaro ku saabsan la dagaalanka argagixisada siinayaan guutooyin ka tirsan ciidamada dawlada Sierra Leone ee lagu wado in Soomaaliya loo soo daabulo si ay uga mid noqdaan ciidamada midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM

Guddi ka tirsan Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxay soo saareen war la xiriira ciidamada tababarka u socda waxayna sheegay in Saraakil Maraykan ah ay gaareen wadanka Sierra Leone halkaasoo ay tababaro uga bilaaeen ciidamada dawlada Sierra Leone Soomaaliya ku soo wajahan sanadkaan gudihiisa.

Sidoo kale Warku wuxuu intaa uu ku darayaa  in Sargaalka hogaaminaya gudiga tababarka bixinaya oo la yiraahdo Maj Gen Salvatore Buzzurro, ayaa sheegay in tababarkaan oo muddo kooban socon doona loogu talo galay in lagu xoojiyo awooda ciidamada dawlada Sierra Leone ee AMISOM ka mid noqonaya.

Dhanka kale Xafiiska waaxda arrimaha dibbadda dawladda Maraykanka u qaabilsan tababarada ee lagu magacaabo “ ACOTA” ayaa la sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay tababarada iyo taageerada Maraykanku siiyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM.

Sida horay loo shaaciyey Ciidamada dawlada Sierra Leone oo lagu wado inay dhawaan kusoo biiraan hawlgalka AMISOM ayaa waxay hajabaadyo kala kulmayaan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya kula dagaalanta ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee caawinaya inkastoo dwlada Sierra Leone ay sheegtay inaysan marnaba baajin doonin inay Ciidamo Soomaaliya u soo dirto

SomaliSwiss     Wakaaladda Wararka Sierra Leone

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: