Munaasabad xil wareejin ah oo Muqdisho loogu sameeyay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Munaasabad ay xilalka ku kala wareegsanayeen taliyihii hore ee ciidamada Amisom iyo ka cusub oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xaflada oo ay ka qeyb galeen wasiirka Gaashaandhhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise,  Taliyaha Ciidamada Xooga dalka C/qaadir Sheikh Cali Diini, Taliyaha Saraakiisha, taliyihii hore iyo taliyaha cusub eee Amisom oo maanta xilka lagu wareejinayay.

Taliyihii hore ee ciidamada Amisom General Ferd Mugisha oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in muhiimadda ay dalka Soomaaliya u yimaadeen tahay sidii ay uamadan dhibaateysan uga bixi layaaheen Qalalaasaha ayna ku noolaanlahaayeen nabad galyo waarto.

Xuseen Carab Ciise oo ah R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca oo isna munaasabadda ka hadal ayaa uga mahada celiyay Taliyihii hore ee ciidamada Amison Ferd Muguusha wada shaqeyntii Dhaxmartay mudadii uu xilka hayay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Gen. Andrew Guti oo isna ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in uu sii wadidoono howlaha lagu Nabadeynayo wadanka Soomaaliya, una mahadcelinayo madaxda Soomaaliya sida ay usoo dhoweeyeen .

Si kasta ha ahaatee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Amisom ayaa wadanka Soomaaliya u jooga sidii ay nabada iyo xasiloonida ugu soo celin lahaayeen wadanka, waxana ay wadaan dadaalo ku aadan soo celinta amaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: