Halkaan ka akhri
Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta waxa uu shaaca ka qaadya in uu u taagan yahay in uu qabto Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug.
Jen. Cabdi Qeybdiid oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda KMG Soomaaliya, islamarkaana maanta la hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in uu yahay musharaxa u taagan xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, isagoo intaana ku daray in wax badan ka qaban doono arrimaha Maamulkaasi.
Jenral Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu ku guulaysto Doorashooyinkaasi uu shacabka reer Galmudug u ballan qaadayo in uu u furo dekadda Magaalada Hobyo iyo in uu ka shaqeeyo ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ugu dameyntii Jeneral Cabdi Qeybdiid ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug in ay ku gacan siiyaan doorashada si uu wax ugu qabto Maamulkaasi.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |