Arday dhameeysatay barashada Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo la gudoonsiiyay Shahaadooyin.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Boosaaso ka dhacaday maanta munaasabadan  lagu abaamarinayey 53 arday oo dhameeyey Xifdinta Qur’aanka kariimka ee dugsiga xifdinta Qur’aanka iyo Waxbarashada Aas-aasiga ee Daarul Biri ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Boqolaal dadweyne ah kuwaas oo isugu jirey waalidiin, Macalimiin, arday, Mas’uuliyiin, Culumaa`udiin aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale Maamulaha Dugsiga xifdinta Quraanka kariimka iyo Waxbarashada aas aasiga Ah ee Daarul Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka warbixiyay taariikhda Waxbarasho ee Dugsiga.

Waalidiinta ardaydan dhameysay xifdinta Qur`aanka kariimka ayaa si weyn u soo dhaweeyey guusha ay gaareen ubadkooda waxa ayna ku bogaadiyeen Ardayda in ay waxbarashadooda sii wataan.

Dhinaca kale Prof; Aadan Xiroow oo ah hormuudka jaamacada Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka hadley Xafladan ay ku qalin jabinayeen ardeydan dhameysay xifdinta Qur`aanka ayaa sidoo kale kula Dardaarmay ardayda in aysan Dayicin.

Sida la wada ogsoon yahay Dugsiya Daaru Biri ayaa waxa la Aas-aasay sanadkii 2004 iyadoo Ay ka Qalinjibiyeen 159 Arday kuwaas oo dhameeyay Qur’aanka Kariimka.

SomaliSwiss     Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: