Magaalada Muqdisho oo Saakay ka Curtay Roob Mahigaan ah…

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka curtay Roob Mahigaan ah kaas oo ka mid ah Raxmaddii Alle, waxayna dadku ku waabarriisteen Roob da’aya iyo jawi xaaladdiisu aad u deggan tahay.

Sidoo kale wararka aannu ka helayno qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in ay ka curteen Roobabka Gu’ga, kaasoo aan waxyeello geysan ilaa haatan.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka da’aya Roob xooggan oo billaabday saakay arroortii, waxaana muuqaalka magaalada oo idil uu yahay mid qurux badan, maadaama Roob sidaa u xooggan ay kol horrey ugu dambeysay.

Si kasta ha ahaatee Roobkan ayaa yimid, kadib markii  maalmahan uu aad u kululaa jawiga magaalada Muqdisho, waxaa bulshada reer Muqdisho ay ku mushaaxaan kuna raaxaysanayaan Roobka u da’aya iyagoo nabad heysta ku naaloonayaan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: