Advertisements

Madaxweyne Shariif & madax ka tirsan Somaliland oo gaaray Heshiis hordhac ah, waa maxay Heshiiska

undefinedHalkaan ka akhri

Hogaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa kulan lasii qorsheeyay kula yeeshay magaalada Dubai Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, waxaa ayna isla soo qaadeen arin qarsoodi ahayd oo uu Faysal kusoo bisleeyay dalka Ingiriiska oo uu todobaad ka hor kasoo laabtay.

Arinkaasi oo uu gacmo furan kusoo dhaweeyay Madaxweyne Shariif ayaa ahayd in dowladda KMG ah loo kordhiyo mudo hal sanno ah, siyaasiyiinta Somaliland-na ay arinkaas kasoo dhaadhiciyaan dowladda Ingiriiska, laakiin Madaxweyne Shariif marka hore ogolaado hal shardi oo muhiim ah.

Maxeyse tahay arrintaasi uu sida deg-dega ah ku ogolaaday.

Siyaasiyiin ka kala socotay Somaliland iyo Muqdisho ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada London todobaad ka hor, waxayna isla soo qaadeen awooda sii kordhaysa ee maamulka Faroole iyo siyaasiyiinta Puntland ay ku leeyihiin siyaasadda dowladda KMG iyo sidii loo xakameyn lahaa awoodaasi.

Siyaasiyiinta ayaa isla diyaariyay qorshe beesha caalamka looga dhaadhicinayo in hal sanno oo hor leh loogu daro Madaxweyne Shariif, iyadoo la cuskanayo qodabo dhowr ah oo fududeyn kara mudo-kordhinta sida:-

1 – Al-Shabaab oo aan wali si buuxda loo jabin,

2 – Dulduleelada iyo mugdiga hareeyay Dastuurka qabyo-qoraalka ah oo dad badani aamisan yihiin in lagu soo diyaariyay Puntland uuna gacan weyn ka geystay Wakiilka UN-ka Augustine Mahiiga, loona baahan yahay in guud ahaan lagu noqdo Dastuurkaasi lana saxo.

3 – Wadahadalka Somaliya iyo Somaliland oo u baahan muddo aan ka yareyn hal sanno.

Dowladda Ingiriiska oo loo bandhigay qorshahaan ayaa u aragtay mid macquul ah, waxaase siyaasiyiinta diyaarisay qorshahaasi ay u baahdeen in ay marka hore kasoo saxiixaan Madaxweyne Shariif, shardina looga dhigay in uu xiriirka u jaro siyaasiyiinta Puntland, isla markaana awooda ay hada ku leedahay Puntland dowladda KMG ah lagu wareejiyo Somaliland si ay saameyn ugu yeelato siyaasadaha Soomaaliya ee mustaqbalka. Isla markaasna loo xaqiijiyo in Wakiilka UN-ka Mr. Mahiiga xilka laga xayuubiyo kulanka bisha soo socota ee June kadhacaya Istanbul.

Sidoo kale waxaan qarsooneyn khilaafka muuqda ee beryahan u kala dhexeeyay Madaxweyne Shariif iyo Ra’isal Wasaare C/weli Gaas, kaasoo xitaa la sheegay in Mr. Gaas ay hawo ka gashay in uu wax ka soo xulo odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, taasina ay horseeday in Madaxweyne Shariif uu laba gacmood ku saxiixay heshiiskaasi loo soo bandhigay.

Qodobada heshiiska oo ah laba qeybood, qeyb qarsoon oo ah mida aan kor kusoo sheegnay iyo qeyb muuqata oo loo bandhigayo beesha caalamka ayaa waxaa kamid ah:

In Ra’isal Wasaare cusub uu soo magacaabo Madaxweyne Shariif, halka sanno ee xili kordhinta ah, in baarlamaanka hada jira la yareeyo oo lagu celiyo tiradii hore ee 275,

In gudoomiye baarlamaan oo cusub la doorto iyo in halkaas sano lagu soo dhameystiro caqabadaha aan kor kusoo sheegnay oo kala ah Al-Shabaab, Dastuurka iyo wadahadalka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa ragga ka qeyb galay shirka London iyo rag kale ayaa soo qaaday fariintaasi oo Dubai soo gaaray dhowr maalmood ka hor, hadana la meel dhigay Madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalim Max’ud oo ku wehliya safarka Dubai.

Si kasta ha ahaatee heshiiskaan hordhaca ah ayaa u muuqda mid daaqada ka bixinaya Shariif Xasan, C/weli Gaas iyo C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale heshiiskan ayaa u muuqda mid mar kale jaanis u siinaya in uu Madaxweyne Shariif markale kasoo muuqda masraxyada siyaasada ee dalka.

Madaxweyne Shariif ayaa rajeynaayo in xiligan uu hal dhagax 3-shimbirood kuwada dilo, si ay ugu fududaato in uu weli kasii dhex muuqdo masraxa siyaasada Soomaliya, waxaase la sheegay in ay wel wel xoogan ka heysato khilaafka kooxdiisa iyo rajo-gelinta ay si hoose u wadaan saraakiil ka tirsan EU-da, kuwaas oo qorsheynaya in ay dib u soo dhaqan celiyaan wadaadka xiligaan go’doonka ku ah degaanada loo barakacay ee Xasan Daahir Aweys, kuna soo koobmay in uu danihiisa siyaasadeed ka sheego Salaadaha Jimcaha.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: