Advertisements

Afhayeenka Al-shabaab, Cali Dheere oo ku tilmaamay dastuurka Qabyada ah mid aan raad ku lahayn Diinta Islaamka.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab ayaa uga digtay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaatan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso, iyagoo ugu hanjabay cid walba oo ka qaybqaadata inay ciqaab kala kulmi doonto.

Cali Maxamuud Raage (Sheydaan Cali Dheere) oo la hadlay saxaafadda ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aan raad ku lahayn diinta Islaamka taasna ay keentay inay shacabka uga digaan inay ka qaybqaataan ansixintiisa.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dastuurku waa mid ka horimaanaya diinta Islaamka, waxaana uga digaynaa dadka shacabka ah inay ka qaybqaataan ansixintiisa, ciddii ka qaybqaadata tallaabo adag ayaan ka qaadanynaa“.

Balse afhayeenku waxa uusan sheegin go’aanka tallaabada ay ka qaadayaa ayuu haddana wuxuu si aad ah uga digay in dhallinyarada iyo waxgaradka waayeelka ah ay ka qaybqaataan qorsha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Hase yeeshee  dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay wadaa dadaal lagu qabanayo shir looga hadli doono dastuurka, kaasoo ay ka qaybgalayaan waxgaradka Soomaaliyeed si loo ansixiyo bisha soo socota ee May 15-keeda.

Si kasta ha ahaatee arrintu waxaan la ogayn saameynta ay hanjabaadda Al-shabaab ka soo yeertay ku yeelan doonto ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, balse dowladda KMG ah ayaa iyaduna wadda qorshayaal ay ku doonayso inay ku adkeyso ammaanka Muqdisho inta uu socdo shirka ansixinta dastuurka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: