HOOS KA AKHRI MAQAALKA
Halkaan ka akhri
Dadka Soomaaliyeed intooda badan waxay is weydiinayaan su,aashan (Puntland ma Soomaaliyaa mise waa Dowlad gooniya? haddaba annigoo og in dad badani xasaasiyad ka qaadayaan  markay arkaan xaqiiqo ka waran iyo  kala cadaynta arimaha laysku maandhaafsan yahay bal aan hoos ugu daadego.
Horta maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Bisayl iyo cayriin waxii u dhaxeeyaa waa yacyacood „ waxay ujeedada maahmaahdani tahay in shaqsigu waxaa uu sheegayo uu kala cadeeyo ee aanu isku meeraalaysan  sida neef muqlaysan oo ay reer Puntland ama ka dhawaajiyaan gooni isu taag siddaa walaalaha Somaliland ama ay ku daba faylaan Madaxdooda Dowlada KMG.
Puntland Ma Dowladbaa?
Markay madaxda Puntland hadlayaan waxaad arkaysaa calanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ag babanayaa haddana waxaad arkaysaa haddana inaysan Puntland ahayn  Maamul iyo Dowlad goboleed ka tirsan jamhuuriyada  Soomaaliya sababtoo ah waxay baal gurayaan mar walba Dowladii dhexe iyaga oo aad moodo inay wax boobayaan ama wax lagala fakanayo oo kalsooni darro badan ka  muuqato.
Dastuur  beeleedka Puntland
Puntland  waxaa hadda ay ansixisay Dastuur gacan ku rimisa sababtoo ah waxaan maqli jiray beel ka mida beelaha soomaaliya inay leedahay Xeer hore oo ay dejiyeen haddana la qoray oo la yidhaahdo (Xeer ……)  Beeshan Soomaaliyeed ayaa xeerkeedani yahay mid u gaara oo dhexdeedana wax ku qaybsato beelaha kale ee walaalahoodna wax kula qaybsato haddaba Dastuurka Puntland saw maaha Xeer kaas la mida oo beel soomaaliyeed samaysatay saw lama odhan karo waa ( Xeer…..)  dad baa ka xanaaqaya xaqiiqada aan  xusayo balse ninkastaa waxuuu sheegto waa lagu suntaa annigu soomaali kama dhex saarin  Puntland ee iyagaa iska dhex saraay  haddaba waxuu noqonayaa xeerkii labaad ee beel soomaaliyeed samaysato marka magaca yaan laga qaldine ( xeerka   Beeshii hore waxuu ahaa xeer ku salaysan dhaqanka iyo xeer hoosaadkooda beelleed)  qoladan danbena waxay ku salayeen Xeer beeleedka cusub Sedbursi iyo siyaasada  balse waa xeer ku kooban deegaan iyo beel walaalo ah oo isku ab iyo oday ahi degto oo aan cid kale tarixin.
Waxay samaysteen  Astaan marreed ay ugu yeedheen Calan  calanka ama Summada  Puntland uma diidani awal horeba dhaqan soomaaligii beelaha soomaaliyeed way kala suntan jireen xoolaaha oo waa la yaqaanay  xoolaha meeshaas daaqaya inay leeyihiin   ( Beel heblaayo) waase xeer  cusub in dadka la suntado  waan arkay qaybo ka mida wadamada nala deriska ah sida Itoobiya iyo kenya iyo suudaan dadka waa la suntaa  balse soomaalida sumad jidhka ma aysan samaysan ee Summado maryo ah ayay samaysteen lagana yaabee ugu danbayn in la gaaro in dadkana loo sameeyo sumad aadan weydiin ama ku kahdoomin qoladiisa oo wejiga kaga taal.
Aan u soo gudubno ujeedada qormadayda iyo su,aasha kor ku xusan Federaal xanuun la yidhaahdaa dadka badidooda jeexay oo dhex qaaday mana yaqaan cidda samaysata iyo qaabka loo samaysto, ( Hal booliya nirig xalaala ma dhasho) Maamul beel ku salaysan iyo abtirsiimo ma noqon karaa?!  federaal jawaabta waxaan u dhaaafayaa qofka soomaaliga ah ee aqrisanaya ku sii tiigaali maayo halkan oo qormooyin hore ayaan qoray ka qorshaha  federaalka oo ay ugu danbeysay (Fitnada Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu Ma Guul la Gaadhaybaa Mise Waa Geeri iyo kala Guur Hor leh) waxaan u malaynayaa nin aan waxa soo socda garanin waxa joogana ma garto .
Hadda ka hor ayaa wiil hooyadii kula talisay inuu neef geela u qalo oo aysan deriska iyo ehelladooda kale toona waxba ka siin ee inta saanta maqaarka  haraga meel ka dalooliyo marba cad ama qayb  uga soo gooyo oo ay halkaas ka dhuuqaan muddo  wiilkii arintaas waa ka madax adaygay balse hooyadii waa ku adkaysatay  isaga oo og waxa ka imanaya ayuu ka yeelay  waxaa maalmo ka dib meeshii qabsatay Ur iyo Qadhmuun soo butaacaya   Hooyadii wiilka ayaa qaylisay oo tidhi waa maxay wiilkaygiiyoow waxaa urayaa wiilkii meel fog jawaabta kama doonin ee waxuu yidhi waxaa urayaa waa Taladaadii hooyo!! Waxaan uga socdaa dadka soomaaliyeed ee laysku yidhaahdo Soomaalida koonfureed muddo ayay qaylinayeen war xaalka sidan halaga daayo war Puntland waa gobol soomaaliyeed yaan been laysu sheegin war beeshani ama ha goosato oo madaxbanaani haku dhawaaqdo ama dadka wax hala qabto hadda waxaad moodaa  waxaa la yidhi ruuxii baxayaa indhahaa casaadee inay  xaalkii u gudbay gediga kale oo damacii indhaha la`aa iyo qabyaaladii qaawanayd iyo hunguri xumadii loo gudbiyey in wax lagula qaybsado ama lagula xaajoodo Somaliland .
Heshiiska iyo wadahadalka  labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay shirkii london waxaana lagu koobay Somaliya iyo Somaliland balse wax qayb ah ama xubin ah kuma aysan lahayn  Maamultuuleedyada sida Puntland , waxaa shirka lagu iclaamiyey inuu dhex maro  Somaliland & Dowlada KMG oo magaca soomaaliyeed ka masuula iyo somaliland oo qadiyadeeda oo xadkeeda iyo intay xeeratay ka masuula ayaa bulshada caalamku u soo bandhigtay inay waxuun isku afgartaan  Israac iyo Go`itaan kuu doonaba ha ahaadee  oo lagu yidhi  wada hadla waxna isku raaca mawqif midaysana noola kaalaya oo aydaan isku khilaafsanayn.
Maxaa dhacay haddaba  waxaa dhex orday markiiba  Odaygii Faroole oo af labadii yeedhay oo leh anniga wax layga weydiinayaa  aniggaa arintaas taladeeda iga go`daa anigaa soomaaliya ka masuula weger Annaaniyad badanaa dadkii oo dhan ayaa yaabay waxaa lays weydiiyey war ninku muxuu isu maleeyay ileen maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd    (Nin anni yidhi dad iska reeb ) Durtadiiba waxaa la gudo galay xulitaankii gudiyada labada dhinac ee gogolxaadhka wadahdalka labada dhinac waa Somaliland iyo Somalia markaasaa waxaa qoladii Soomaaliya soo xushay 7 xubnood Shan wasiir oo soomaali ah iyo laba wasiir oo puntland ah Weger iyo ka waasacan  oo Puntland miyeysan soomaali ahayn? Weli waxaa taagan Su,aashii jawaabteeda shacabkaan u dhaafayaa
Haddaba Aqristoow adigu gar eexaad aan naqayn  caadifadana iska ilaalinayaa Ama Somalia taageersanow ama Somaliland  Ama Puntand  oo haddana saw tan su,aashii soo noqotay Puntland miyeysan Soomaali ahayn?
Puntland Somali maaha waayo waxay leedahay calan gooniya Dastuur gooniya  baarlamaan gooniya madaxweyne gooniya , waxaa haddana kaaga sii daran ee kama amar qaadato mana hoos tagto Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra,iisalwasaarihiisa oo Ra,iisalwasaaruhu saw 4.5 kuma Iman oo Puntland kama socdo maya Ra,iisalwasaaruhu lacala haddii Puntaland Soomaaliya ka mid noqoto ayuu meesha u sii joogaa waa boos celis ee ma metelo waayo hadduu metelo saw kumay kalsoonaadeen? Kaaga sii daran Puntland dhaqaalaha cashuurta dowlada dhexe ma bixiso kama qayb cid war u haysaana ma jirto waxaa soo gala iyo waxa ka baxa haddana  wax walba oo deeq ah waxbarasho caafiimaad , barnaamij horumarineed 3 meelood  meel ayay doonaysaa cajiib oo haddii aysan dheefba ogolayn oo aanay wax qaybi ogolayn sideebay qayb ku heshay? Dowlada ku meelgaadhka ah waxaa laga masruufaa, Xildhibaan kasta oo 18ka gobol ka yimid iyo wasiir kasta iyo xubin walba dhaqaalaha dekada muqdisho iyo Aadan cadde international  Airport oo maxay Puntland dhaqaalaha wax uga bixin weyday Puntland maxay uga bixinaysaa dadkii soomaaliyeed  ee dhex marayey ayey aqoonsi weydiinaysaa waxaan Puntland ahayne waxay ku xukumaysaa dil iyo xadhig haddaba Puntland ma Soomaaliba mise Maaha ? Aqristee Su,aashan meel gee adigay ku sugaysaa Jawaabteeda   fadlan iyada oo kala dhigan naga dhergi.
Maamulgoboleed ma diidin, Gudoomiye maamul goboleedna ma diidin, Gole deegaan oo 21 xubnood ma diidin, xeer hoosaadka golaha deegaanka iyo gudi kooban oo guurti ahna ma diidin   laba Gobol iyo badh ma diidin , balse waxii intaas dheer dee waa dowlad kale ee yaan nalagu daalin intaan Somaliland la gaadhin horta Garoowe soomaaliya halagu soo darro!
Madaxweyne waa mid keliya waa kan Dowlad KMG  cidduu doono iyo gobolkuu doono haka soo jeedee inta kale waa laab la kac iyo ruwaayad iyo riyo soo jeeda.
Dastuur waa kan dowlada ku meelgaadhka ah ama kan xaaraanta ah ee la qorayo qabyada qoraalka ah, ama kii lixdankii ha noqdo ama Axdiga ku meelgaadhka ah
Dastuur waa kaas dowlada KMG ahi gacanta ku hayso waxii ka soo hadhaa waa xeer beeleed.
Calankuna waa kan Jamhuuriyada Soomaaliya ee Buluuga ah xidigta shan geeska ahina dhexda kaga taal waxii kasoo hadhayna waa calal beeleed iyo summad qabiileed aan geed loogu gaban .
Somaliland qadiyadeedu way ka duwan tahay qadiyada Puntland sababtoo ah somaliland waxay qaadatay magacan (Jamhuuriyadda Somaliland جمهوريةepublik Somaliland) waayo  go,aankoodu waa cad yahay ama haw rumoobo ama yuusan rumoobin  balse xaalada Puntland waa ( Bareejo waxool waa guul) waayo dastuurka Somaliland waxaa loo codeeyey 2001 oo gebi ahaan 75% laga qaaday afti ummada reer somaliland  balse   inuu afduub yahay Xeerbeeleedka Puntland  waxaa qol lagu xareeyey 470 qof oo isugu jira rag iyo haween aad ugu goomoon in shaashada laga arko oo aan ogayn  waxaa hubaal ah inuusan jirin hal shaqsi oo aqriyey waxaa ku qoran dhawrkii qof ee aqriday ee soomaalinimadu ku jirtay way ka xishoodeen wayna diideen intii kale way iska taageen gacmo laba iyo lugo xitaa taasi waxay cadaynaysaa inuu xeer beeleed yahay.
Waxaa kuu soo hadhay haddii puntland nabad ku dhaadan jirtay iyo amni iyo isku xidhnaan maxaan dadka xeer beeleedka looga qaadi waayay afti saw halkaasi isma burinayso ma dastuurka af duubka ee qabyo gumaysiga qoraalka ah oo kalaa mise marxalada gobolada soomaaliyeed ayay la wadaagtaa amnidarada iyo maamulxumada  jawaabtu waa haa
Haddaba maxay ku mutaysatey sedbursiga iyo anna way kan.
Waa Su`aale Shanta gobol waa kuwee ee Puntland sheegatay ileen Sool xaalkiisa waan ka war haynaa oo Somaliland iyo Khaatumaa isku horfadhiya iyo qaybo ka mida sanaag iyo buuhoodle  Ma bari iyo Nugaal iyo Xaafad gaalkacayo ah ayaa shan gobol noqday oo weliba sadex maamul goboleed lagaga dhawaaqay oo kala duwan  aduunyooy xaalkaa ba`a waa hadalkii wedkii galay
Rafaadka KMG, Riyada Puntland, Iyo Rasmiga Somaliland wallee wareer baa ka taagan!
Qormadayda  waxaan ku soo afjarayaa Puntland Xageed gaadhi karaysaa boodo jaro bal aanu ku aragnee  (Durduro geelbaa ku jaba ) Riyona run noqon weyday Soomaaliya ama raac ama gooni isu taag cidina kaa yeeli mayso laba eefe.
W/ Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
=================================================
Aragtida iyo fikirka akhristeyaasha iyo qorayaasha maqaallada ku soo baxa boggaan waxay u gaar yihiin Qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumayaan aragtida SOMALISWISS, Ciddii ama qofkii doonaya inuu si gaar ah Maqaal ama fikrad ugu daabaco Bogaan SomaliSwiss way soo dhaweynaysaa, waxaana lagu soo hagaajin karaa SomaliSwiss@hotmail.com.
Filed under: Faallo-Maqaal |
You must be logged in to post a comment.