Horjooge Cumar Hamaami (Abu mansur Al-Amriki) oo Kismaayo lagu arkay.

Halkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow Horjoogayaasha Maleeshoiyaadka kooxda Shababka ayaa sheegaya in dhowaan lagu arkay magaalada Kismaayo Horjooge Abuu mansur Al-Amriki ( Cumar Hamaami), kaasoo ka soo dhex muuday Masaajid ku yalaa Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose xili laga soo baxay salaada duhur.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogahaan la arkay maalintii talaadada duhurnimadii isagoo ka soo baxaaya Masaajidka Jaamac ul Qadeem ee ku dhow Beerta xuriyada ee magaalada Kismaayo isagoo ay la socdaan ilaalo gaar ah, sidoo kale Horjoogayaal kale oo Ajaaniib ah ayaa la sheegay iney sidoo kale ku sugnaayeen Masaajidkaasi, waana markii ugu horeysay ee nolol lagu arko, intii ka dambeysay markii ay dhowaan shaaciyeen warhaabinta Mareykanka in la dilay isla markaasna ay baarayaan waxa ka jira warkaasi.

Wararka ayaa intaaci raaciyaya in Horjoogahaani ayaa 16-kii bishii Maarso soo saaray Video uu ku sheegaayo iney khatar ku jirto nafsadiisa kadib markii ay Khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Horjoogaha Shababka Mr. Godane, waxaa xigay in 19 isla bishaasi loogu yeeray dhamaan Horjoogayaasha Muhaajiriinta iyo kuwa Shababka ee Soomaalida ah kuwaasoo ka dhacay degaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo, markii uu kulankaasi tagay ayaa la sheegay in hub ka dhigs khasab ah ay ku fuliyeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Amniyaadka ee hoos taga Mr. Godane, waxaana dib loogu celiyay degaan ka trisan Gobolka Sh/hoose halkaasoo wareyso dheer lagula yeeshay sababta keentay inuu duubo cajaladaasi.

Ilaa hadda lama yaqaano natiijada ka soo baxday Maxkamada Kooxda Shababka ay saareen Horjogahaan, inkastoo soo muuqashadaan ay culeyso kala kulmeen warkii ay dhowaan baafiyeen warbaahinta Mareykanka oo ahaa in la dilay, talaabadaasina ay soo dedejisay in la keeno Masaajidkaasi oo uu ka soo dhex muuqdo, sidoo kale lama yaqaano wax ay arrimihiisa ku dambeyn doonaan.

Source: Wadanka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: