Halkaan ka akhri
Maamulka iyo madaxda kala duwan ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa xagal daacinaya oo sidii loogu tala galay aan uga faa’iideysanayn maalgelinta iyo gar gaarka ay dalka Soomaaliya ugu deeqeen shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Dowladda Turkiga oo sanadkii hore Muqdisho ka bilowday, mashaariic kala duwan oo isugu jira Gargaar, maalgelin noocya kala duwan ah, sida; dhismayaal Isbitaallo, wadooyin iyo qeybo kale oo muhiim ah ayay haatan dhammaan maalgelinadaas iyo waxqabadyo kale oo horumarineed ku sugan yihiin heer quus ah oo laga yaabo in dowladda Turkiga ay dib ula laabato.
Laba kamid ah kuwa ugu muhiimsan mashaariicdaasi oo ay kamid yihiin dhismaha Isbitaal weyn oo la doonayey in laga dhiso Muqdisho, kaas oo ay caqabadi ku timid kadib markii dhulkii loo qorsheeyay in laga hirgeliyo mashruucaasi uu isbaaro u dhigtay Yuusuf Maxamnad Siyaad Indha-cadde oo isagu sheegay in uu milkiyadda dhulkaasi leeyahay, isla markaasina dalbaday lacag aan macquul ahayn, taas oo uu illaa iyo hada muran kataagan yahay.
Dhinaca kalena Duulimaad caalami ah oo ay shirkadda Turkish airline Muqdisho ka bilowday 20 sano kadib ayaan caga badan ku taagneyn, kadib markii qaar ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ay shirkadda Turkish Airlines ka dalbadeen in ay bixiso sitimaankiiba $40,000 (Afartan kun oo doollar) taas oo ay ku sheegeen in ay tahay canshuur, hase yeeshee aan ahayn lacagta sida caadiga ah looga qaado shirkadaha diyaaradaha kale ee isticmaala garoonka Muqdisho.
Masuuliyiinta Shirkadda Turkish Airlines ayaa hadda raadinaysa garoomo kale oo ay isticmaasho, sida kan Hargeysa ama Berbera maadaama ay yihiin garoomo u dhigma kan Muqdisho, Shacabka Soomaalidana ay u fududahay in ay uga sii gudbaan meelaha kale ee ay rabaan wadanka Soomaaliya dhexdiisa, marba haddii maamulka Muqdisho uu noqday kuwo dhaqaale uruursi uun usoo jeeda.
Dowladda, Turkiga ayaa iminka qarka u saaran in ay dib ula laabtaan mashaariicdii ganacsi iyo samafal ee ay ka bilaabeen Muqdisho sanadkii hore, kadib markii ay la kulmeen caqabadahaasi aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale oo fara badan.
Shirkadda Turkish Airline oo ah tan kaliya ee muddo 20 sano ah kadib hirgelisay in Muqdisho iyo Yurub duulimaadyo toos ah la helo ayaa haatan la kulmeysa caqabadahaasi, tiiyoo ay ahayd in loogu abaal gudo canshuur dhaaf.
Shirkadda Turkish Airlines ayaa duulimaadyadeeda ay ku tageyso Muqdisho waxaa ay ku qortay dhamaan shirkadaha aduunke ee gooya tigidhada diyaaradaha iyo waliba garoonka caalamiga ah ee Istanbul.
Wuxuu yiri mid kamid ah rakaabka diyaaradaasi oo Muqdisho booqasho ku tegay “anigoo ka soo dhoofaya mid ka mid ah garoomada Yurub ayaa markaan galayay qeybta baaritaanka amaanka nin joogay waxaa uu i waydiiyay warqada lagu koro diyaarada (Boarding Pass) markaan u dhiibay oo uu fiiriyay ayuu ku arkay (TK 686 to Mogadisho), markaas ayuu igu yiri inta yaabay “Ma duulimaad baa aada Muqdisho”
Wafdi Turki ah ayaa booqasho ku tagay Hargaysa, isla markaana shir laqaatay waaxda socdaalka Somaliland, waxaa ayna balan qaadeen in ay ka bilaabi doonaan duulimaad Istanbul iyo Hargeysa ah, ayna ka caawin doonaan maamulka Somaliland dhanka balaarinta garoonka Hargaysa.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.