Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Turkiga oo sheegay inuu dhexdhexaadinayo dawlada KMG Soomaaliya iyo Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa laga soo xigta in dowladda Turkiga ay wado qorshe ay ku doonayso inay ku wada hadalsiiso dawlada KMG ee Soomaaliya iyo XarakaddaAl-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta kuna xiran ururka Al-Qacida.

Dr.Ahmed Daud Oglow oo ah Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Turkiga ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda ka shaqeynayso inay meel iskugu keento dhinacyada isku haya Soomaaliya gaar ahaan dawlada iyo Al-Shabab si loo gaaro hormar dhanka nabadda ah.

Sidoo kale Wasiirka Turkiga oo kulamay dhigiisa wadanka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in marka la eego marxaladda Soomaaliya ka jirta ay keeneyso in la qaado tillaabo kasta oo lagu dhameyn karo dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxaana uu xusay inay wada hadalsiinayaan dawlada KMG ee dalka ka jirta iyo dhaq dhaaqaaqa Al-Shabab.

Dr.Ahmed Daud Oglow oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Marka laga fikiro xiriirka aanu la leenahay Soomaaliya waxaa noo soo baxday inaan fursadaan ka faa’ideysano isla markaana aan doorkeena ka qaadano isku keenida dhinacyada Soomaalida”.

Dhanka kale Wasiirka wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay muddo badan oo sanado ah ay ku dhex jirtay qas iyo fawdo ka dhalatay kala dambeyn la’aan lagadhaxlay dawlad la’aanta.

R/wasaaraha dalkaasi Dawlada Turkiga oo ah dawlada kaliya ee Muslimka ah kana mid ah gaashaanbuurta NATO ayaa waxay kamid tahay dawladaha u soo gurmaday Soomaaliya markii ay abaartu ku dhufatay.

Rajab Dayib Ordegan ayaa horey u shaaciyay in dawladiisu u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee macaluushu haysato ugu talo gashay gashay lacag ka badan 200 oo million oo Dollarka Maraykanka ah.

Si kasta ha ahaatee in ka badan 1,200 arday oo Soomaaliyeed ayaa hadda ku sugan wadanka Turkiga kadib markii uu deeq waxbarasho u fidiyay.

Ilaa iyo 14 kulan oo lagu hishiisiinayo dhinacyada Soomaalida ayaa loo qabtay dhinacyada Soomaalida oo is khilaafsan muddo 21 sano ah.

Balse lama oga sida ay Al-Shabab ku ogolaan karto wada hadalkaan maadaama ay dhawr jeer ka biyo diiday inay dawlada hor fariisato.

SomaliSwiss  Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: