Ra’isal wasaare Meles Zenawi oo sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay ku soo laaban doonaan dalkooda.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Meles Zenawi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ee la dagaalamaya Ururka Al Shabaab ay ku laaban doonaan dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale eles Zenawi oo ka hor hadlayay kullan ay yeesheen barlamanka dalka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in marka ay nabadeeyaan ciidamada Ethiopia gobolada ay hadda gacanta ku hayaan gaar ahaan Magaalada Baladweyne, ayna soo gaaraan Ciidamada Jabuuti ee loogu talagalay inay qabtaan Magaaladaasi kaddib ay isaga bixi doonaan.

Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa ka soo xigatay Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia in Magaalada Baydhabo ay ku wareejin doonaan Ciidamo isugu jira dalalka Burundi iyo Uganda oo ka socda AMISOM kuwaasi oo la wareegi doona howlgallada ay Ciidamada Ethiopia ka wadaan gobolka Bay.

Dhanka kale Meles Zenawi wuxuu sheegay in Ciidamada Ethiopia dowladda KMG ah ay kala qeyb qaadan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dalka, loolana dagaalami lahaa Xarakada Al Shabaab iyo sidii guud ahaan looga saari lahaa gobolada faro ku tiriska ah oo ay iminka gacanta ku hayaan ururka Al Shabaab.

Balse Ra’isiul wasaare Zenawi ayaa beeniyay in Ciidamada ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Al Shabaab oo ay kala wareegeen goobo ay gacanta ku hayeen, isagoo sheegay in duqeymo xooggan ay u gaysteen Saldhigyo ay ku lahaayeen Koofurta Soomaaliya.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: