Advertisements

Qarax Ismiidaamin ah oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Halkaan ka akhri 

Qarax Ismiidaamin ah oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta Duhurnimadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay qof iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo uu isku qarxiyay sida la sheegay banaanka Xarun Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi ay ka dambeeyaan islamarkaana ay ku dileen 5-sarkaal oo 3-ka mid ah ahaa Saraakiil Sirdoon ah oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia halka labada kale ay ahaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

Markuu dhacay qaraxaas ayaa la sheegay in Xaaladda ay noqotay mid cakiran, waxaana Ciidamada dowlada KMG ah qaraxaasi kaddib ay dhinacayda u rideen rasaas xooggan oo cabsi iyo jahwareer ku ridday dadka ku sugan halkaasi.

Sida lagu soo warramay qaraxaas kaddib waxaa dagaal xooggan oo qasaaro gaystay waxa uu ka qarxay duleedka gobolka Bay, waxaana la sheegay in halkaasi Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al Shabaab ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

SoomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: