Halkaan ka akhri
Waxaa shalay ka furmay Xarunta Shirkadda Somali Migrant Remittance ee magaala Berna ee dalka Switzerland Shir looga hadlayaa Arrimaha xawaaladaha Soomaalida, waxaana shirkaas ka soo qayb galay wakiilo ka socda Ganacsatada iyo Xawaalaleyda Soomaalida oo ka kala yimaaday Wadamada Koonfur Afrika iyo Kenya.
Shirkan oo shalay axadda ahayd ka furmay magaala Bern ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dardar-gelinlahaa sidii loo gaarsiin lahaa Shirkadda Somali Migranta Remittance oo Wadamada Koonfur Afrika, Kenya, Sacuudiga, Ingriiska Holland, Sweden iyo wadanka Mareykanka.
Wefdiga Wakiilada Ganacsatada iyo Xawaalaleyda Soomaalida ayaa waxaa hoggaaminayey Mudane C/llaahi Maxamed Nuur, wuxuuna sheegay in wadamada aan kor ku sooXusnay ay jirto baahi weyn ee la xiriirta sidii loo heli lahaa qaab ama Sisteem  Xawaladeed iyo Ganacsi oo salka ku haya sharciyada loogu dhaqma Caalamka.
Mudane C/llaahi Maxamed Nuur ayaa bshds Warbaahinta u sheegay in imaanshooda ay la xiriirtay sidii ay Shirakadda Somali Migrant Remittance ee jirta dalka Switzerland  ay kala Xaajoodi lahayd, nidaamkii loo geyn lahaa ama loogu furi lahaa Laamaheeda wadamada Soomaali qurba-jooga ah uga badan, maadaama Shirkaddan laga aqoon yahay dalka Switzerland, isla markaasna ah dal laga haga dhaqaalaha Caalamka,
Sidoo kale waxaa arrinta shirkan ka hadlay Dr. Maxamuud oo ka scday dhanka ganacsata dalka Kenya , isla markaasna ah qof keliya oo ku takhasusay daawada dhirta, kuna howlan daaweynta dadka jiradooda wax laga qaban-waayey, wuxuuna caddeeyey in ganacsata soomaali u baahan tahay helitaan shirkad u fududeyn karta howlaha ganacsigooda.
Dhanka kale waxaa kaloo shirkaas warbixn dheer ka jeediyey Madaxweynaha Shirkadda Somali Migranta Remittance Mudane Abuukar Mudey cabdi oo si faah-faahsan uga sharraxay howlaha loo sameeyey Shirkaddan iyo Juhdiga la geliyey dhismaha shirkaddan.
Mudane Abuukar mudey ayaa si cad carrabka ugu dhiftay in Soomaali ay tahay dadka ku firfircoon ganacsiga, balse ay barteen muddadii 21ka sano uu dalka Soomaaliy a ka jiray foodada iyo dagaalka Sokeeya, wuxuuna sheegay in ganacsatadu ay u soo jeesteen inay sharciyeeyaan ganacsigooda.
Si kasta ha ahaatee waxaa shirkan la soo gabagabeyn doonaa maanta oo ah Isniin, go’ armadi ka soo baxana dib ayaan idinku soo sheegi doonaa Inshaa Allaah.
SomaliSwiss  Bern
Filed under: Bern Swiss |
You must be logged in to post a comment.