Advertisements

Haweeney Bam ku soo weerrartay Ciidammada dowladda oo gacanta lagu dhigay.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegayaa in Ciidammada ammaanka ay gacanta ku dhigay haweeney Bam gacmeed ku weerrartay bar ay ku sugaanaayeen ciidammada dowladda Soomaaliya, dhanka kale ciidammada Xoogga dalka ayaa iska caabbiyeen weerrar Hoobiyayaal ah oo Al-Shabaab ku soo weerrartay magaalada Baydhabo.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in weerrarka ay soo qaadeen Maleeshiyada Al.Shabaab uu wax khasaaro ah ma uusan geysan sidaas waxaa Warbaahinta u  xaqiijiyay dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda ay Ciidammada ammaanka ka wadaan baaritaanno, waxaana la soo sheegayaa in dadka deegaanka ay ciidammada ku gacan siiyeen soo qabashada haweeneyda Bamka ku weerrartay Ciidammada dowladda.

Sidoo kale waxaa haatan deggan xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidammada ay wadaan howlgallo lagu sugayo Ammaanka, sidii shacabka looga Difaaci lahaa waxyeelada Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: