Advertisements

Sh. C/qaadir Muumin oo gaaray Golis iyo Sh.Xasan Daahir oo maanta diyaarad ka raacay Sh/Hoose.

WARBIXIN FAAH FAAHSAN

undefinedHalkaan ka akhri

Horjoogayasahii Al-Shabaab ee gobollada Koofureed ee Soomaaliya ayaa bilaabey inay ka firxadaan degaanadii ay hore ugu sugnaayeen, sida Ceelasha Biyaha, Afgooye iyo deegaanno kalke, Kadib markii ciidamada Itoobiya ay soo gaareen degmada Buur-Hakaba iyagoo kusoo jeeda Wanla-Weyn iyo Afgooye, iyadoo saraakiisha Al-Shabaab sida muuqata ka cabsi qaba inay ku go’doomaan koonfurta Soomaaliya.

Qorshaha ciidamada xulfada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa ah in Mileteriga dowladda Itoobiya iyo Ciidanka Ahlusunna ay xiraan wadooyinka dhanka Waqooyiga u baxa oo kala ah wadada xeebta iyo tan laamiga ah, kadibna ay soo gaaraan ilaa magaalada Jowhar.

Markii la kala jaro Waqooyiga iyo Koonfurta waxaa u qorshaysan ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, in kooxda Al-Shabaab ee joogta Shabelada Hoose loo baacsado dhanka Jubooyinka, halkaasoo lagu diyaariyay dabinkii lagu ciribtiri lahaa Al-Shabaab, iyadoo ay kusoo dhaweynayaan Jubooyinka ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskaambooni oo ahaa kuwii magan galiyay Al-Shabaab sandkii 2006, laakin hada uu kala dhexeeyo dagaal iyo colaad weyn.

Hadaba si aysan ugu dhicin dabinkaas horjoogayaasha Al-Shabaab kuwooda wax garta waxay bilaabeen in ay raadsadaan deegaano ay kusii noolaan karaan, waxayna badankood u baxsadeen buuraleyda Golis iyo Galgala ee gobollada Bari ee Puntland.

Sheikh C/qadir Muumin oo ah wadaad heysta baasaboorka Sweden ayaa ka mid ah ragga gaaray buuraleydaas, wuxuna dhalinyarada Ceelasha Biyaha u sheegi jiray inuu ka soo hijrooday Ingiriiska iyo Sweden uuna usoo doontay Soomaliya Jihaad iyo Janno, laakin hada wuxu mar kale u qaxay meel uu isleeyahay nolol ayaad ka heli kartaa.

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ah ninka ugu da’da weyn uguna qibrada badan Al-Shabaab, ayaa la sheegay in saaka ay diyaaradi ka qaadday garoonka macmalka ah ee Ceel Axmad ee gobolka Sh/Hoose, hase yeeshee lama xaqiijin dhinaca uu qabtay, Ereteriya, Puntland ama meel kale toona oo lama hubo weli.

Dhinaca kale wakaaladaha wararka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay sheegayay in qaar ka mid ah saraakiishii ugu sareysay Al-Shabaab, sida Axmad Godane, Fu’aad Shongole, Laba Abu Mansuur iyo kuwa kale oo badan ay gaareen buuraleyda Gobollada Puntland.

Warar kale ayaa sheegaya in qaar kale oo ka mid ah saraakiishii sar sare iyo dhexe ee Al-shabaab ay maalmihii la soo dhaafay dhinaca soo gaareen Gobolka Galgaduud meelo ka mid ah oo ay ka mid yihiin degmada Galhareeri, iyagoo ku yimid sida wararku sheegayaan wado ka timaada dhinaca xeebta.

Si kastaba waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan kala firxadka saraakiishii waawaynayd ee Al-Shabaab oo sida muuqata janadii ay dadka ugu yeeri jireen iyagu ka cararaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: