Dabaal-degga sanad-guurada 52-aad ee ciidanka XDS oo maanta ka socota magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaal daggo sannad guurrada 52-aad ee Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka soconeysa magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Maanta waa 12-ka April waana maalintii dhidibada loo taagay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadka markuu ahaa 1960-kii, xilligaasi oo laga soo xulay saraakiil ka tirsaneed ciidammada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo ka koobnaayeen 27, waxaana, waqtigaasi dalka ka jiray xaalad amni oo aad u wanaagsaneyd.

Sidoo kale maanta oo kale sannad walba Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u dagaal dagga sannad guurradooda, waxaana maagalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka si wadajir ah looga dhiggi jiray Fantasyo waa weyn oo lagu muujinaya karaama iyo sharafta ay leeyihiin ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale kadib markii dhidibada loo taagay Ciidammada Xoogga, sannadkii 1960-kii ayaa dalka waxay ka hirgalliyeen amni iyo kala dambeyn aan qiyaas lahayn, taasi oo dalkeenna u horseedday in uu ka mid noqdo dalalka Qaaradda Afrika ugu awoodda badan, isla markaana Horumarka hiigsad.

Si kasta ha ahaatee waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo gobollo badan oo dalka ka mid ah ka soconaya dabaal dagyo waa weyn oo lagu maamuusayo sannad guurrada 52-aad ee Ciidammada Xoogga, waxaana ammaanka caasimadda maanta si weyn u adkeeyay ciidammada ammaanka.

Xafladaha munaasabadan dabaal dagga sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka ayaa waxaa  ka qeyb qaadanaya Madaxda ugu sarreysa dalka, sidoo kale waxaa ku sugan goobaha lagu dhigaayo Munaasabaddaas weriyaal ka socda Warbaahin sida Radiyaasha, Websit-yada iyo Telefishinnada ka howlgela gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: