Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta kormeer ku tagay goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga jiraan difaaca.

    Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay difaacyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada hoose iyo shabeelada dhexe ayaa ku amray ciidamada in ay si degdeg ah u soo afjaraan kooxda Shabaab.

Sheikh Shariif oo ay wehliyeen wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ahna ku simaha wasiirka wasaaradadaas Maxamuud Macallin Nuur iyo ku simaha taliyaha ciidamada xoogga dalka ahna abaanduulaha ciidanka C/kariin dhagabadan ayaa maanta soo kormeeray difaacyo adag oo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabad ilalainta Midowga Afrika (AMISOM) ka sameysteen deegaanno kaabiga ku haya degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.

Sidoo kale saraakiil ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Burundi ayaa Madaxweyne Sheikh Shariif lagu siiyey warbixinno ku saabsan howlgallada lagu xaqiijinaya ammaanka duleedka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale kulanka Saraakiisha iyo Madaxweynaha ka hadlay Abaan duulaha ciidamada xoogga dalka General dhaga-badan, wuxuuna sheegay in al-shabaab laga saaray Guud ahaan magaalada Muqdisho islamarkaana ay dhowaan soo qa’qaban doonaan horjoogeyaashooda.

Mudane Maxamuud Macallin Nuur oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda difaaca dalka ahna ku simaha wasiirka gaashaandhigga ayaa  wuxuu kulankaas uga mahadceliyay ciidamada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka maleeshiyada shabaab.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo isna kulanka khudbad ka jeediyay dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeyntii ku amaanay ciidaamada howlgallada ay wadaan, waxa uuna xusay madaxweynuhu in Al-qaaciddo awoodooda ugu weyn lagu wiiqay Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu ku amray ciidamada in ay si dhaqso ah u soo afjaraan haraadiga maleeshiyada shabaab maadaama ay kooxda Al-qaacidda iyo Al-shabaab yihiin kuwo inta badan laga Itaal roonaaday.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweyne Sheikh Shariif qoorshaha kaga aadan dowladda deegaannada loo barakacay sida ceelasha biyaha ayaa xusay in dowladdu ay ku dedaaleyso in ay yaraato qasaaraha soo garaya dadka rayidka ah waxa uuna ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka, madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay baxsadka horjoogeyaasha shabaab ee tegaya buuraleyda galgala ee gobolka bari in uu yahay mid firxad ah.

Sida la wada ogsoon yahay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday dadaallo uu ku dardar gelinayo howlaha ay wadaan ciidamada qalabka sida si uu ugu dhiirogeliyo in ay si hufan u sii wadaan difaacidda qarankooda iyo diintoodab.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: