Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo ka hadlay sidii ay u Wada-hadli lahaayeen Soomaalida Koonfureed iyo tan Waqooyiga.

Halkaan ka akhri

Madaxweye Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay guddi Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland u magacowday wadahadallo ay la gelayaan Dowladda KMG ah, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in tallaabadani ay ka mid tahay dadaalka Dowladda KMG Soomaaliya ay ku doonayso sidii soomaaliya ay mar labaad u hanan lahayd Midnimadeeda.

Sidoo kale Madaxweynaha Waxa uu sheegay in si degdeg ah ay iyana dhowaan u magacaabayaan guddi wadahadallo la gala guddiga kale ee Somaliland, taasi oo uu sheegay in muddo 21-sano ah kaddib ay Soomaalidu ka tashanayaan inay sameystaan Dowlad loo dhan yahay.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in guddiyada wadahadalka labada dhinac ay  howshooda ugu weyn tahay inay isku soo dhoweeyaan afkaaraha ay ku kala fogaadeen dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif oo khudbad u jeediyay dadka degan magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley) ayaa waxa uu si guud baaq ugu diray shacabka Soomaaliyeed isagoona sheegay inay ka shaqeeyaan midnimadooda.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlayey arrinkaas wuxuu yiri: “Waa wax dhici kara in walaalaheena Waqooyi ay wax ka tabanayaan walaalahooda Koonfureed, sidoo kale waxaa iyana dhici karta in reer Koonfureedka ay wax ka tabanayaan walaalahooda Waqooyi”, balse wuxuu sheegay in muhiimadu tahay in arrimahaasi meesha laga saaro lana muujiyo walaalnimo dhab ah.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif wuxuu caddeeyey in labada shacab ay yihiin walaalo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in guddiga labada dhinac ay ka shaqeeyaan sidii labada shacab dib la isugu soo celin lahaa isla markaana Dowlad Soomaaliyeed ay dhisanlahaayeen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: