Advertisements

Ciidamamda Xoogga dalka Soomaaliya oo maanta ku wajahan degmada Diinsoor iyo Al-Shabaab oo Là meel ay ku gabato.

Halkaan ka akhri

Cusmaan Maxamed Cabdi oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa wuxuu maanta uga warbixiyey qaar ka mid ah Warbaahinta wuxuu in dhaq-dhaqaaq ay ciidammada XD Soomaaliya ay ka wajahan yihiin degnada Diinsoor, haatanna ay ku sugan yihiin dulleedka degmadaasi, isagoo sheegay in saacaddaha soo socda ay ciidammada soo gabagabeyn doonaan degmooyinka ka harsan gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay wuxuu  sheegay in lagu guda jiro abaabulkii ugu dambeeyay ee ay ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku soo gabagabeynayaan degmooyinka gobolka Baay, isagoo xusay in ciidamamda dowladda ay ku sugan yihiin dulleedka degmada Diinsoor.

Sidoo kale Guddoomiyaha wuxuu hoosta ka xariiqay in malleeshiyaadka Al-Qaacidda ay isaga carareen degmada Diinsoor kaddib markii ay darreemeen dhaq dhaqaaqa ciidamamda dowladda, maadaama kooxdaasi inta badan degmooyinka gobolka Baay laga saaray.

Sidoo kale Cusmaan Maxamed Cabdi ayaa farta ku fiiqay in ciidammada dowladda oo kaashanaya ciidammada Itoobiya ay saacaddaha soo socda ay la wareegi doonaan degmooyinka ka harsan gobolka Baay, dhinaca kale waxa uu tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka ku sugan deegaannada ay Al-Qaacidda uga sugan yihiin gobolka.

Si kasta ha ahaatee wuxuu guddoomiyaha haddalkiisa ku soo gabagabeeyay in ciidammada qaranka aysan joogsan doonin inta ay ishooda qabaneyso malleeshiyaadka Al-Qaacidda, xilli laga gudbay wajiga Koowaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Dhabaab.

SomaliSwiss     Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: