Advertisements

Qarax weyn oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in maanta duhurnimadii uu ka dhacay Qarax keenay dhimasho iyo dhaawac.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Qaraxaas uu  ka dhacay suuqa qudaarta Baydhabo waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ilaa 11 qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay 17 kale oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidmada dowladda oo la rumeysanyahay in isaga lala beegsaday Qaraxa.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in Askariga qaraxa lala beegsaday uu soo gaaray dhaawac fudud, kaas oo ku sugnaa suuqa qudaarta, waxaana la yaab noqotay in Miino lagu aaso suuq ay ku ganacsadaan dad rayid ah.

Dhanka kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray Ciidamada dowladda, sidoo kale waxay  baaritaanno ka billaabeen ilaa haatann ay ka wadaan halkaasi, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, balse waxa la rumeeysanyahay in ay ka dambeeyaan kooxda AlShabaab oo looga bartay qaraxyada noocaas ah ina la bartimaamaystaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa Amisom

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: