Advertisements

Khilaafka dowladda oo sii kordhaya: Wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn oo u jawaabay Madaxweyne Sheikh Shariif.

Halkaan ka akhri

Khilaafaadka iyo shakiga hareeyay madaxda dowladda KMG Soomaaliya ayaa gaaray heer ay isugu jawaabaan warbaahinta, iyadoo ay muuqato in ay ku heshiin waayeen wadahadaladii hoose ee u socday tan iyo markii uu dhacay qaraxii Tiyaatarka.

Shalay ayay aheyd markii madaxweyne Sheikh Shariif uu warbaahinta usoo mariyay wasaarada warfaafinta ee uu masuulka koowaad ka yahay C/qaadir Jaahweyn uu isagu ka mas’uul yahay qaraxii Tiyaatarka, maadaama uusan soo ogaysiin xafladaas ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo Militariga.

Sheikh Shariif ayaa yiri “nin reer Mudug ahaa ayaa yiri hada ka hor hadaan hadalnana waa af-salax ku dhag, haddii aan aamusnana ariga leynta laga deyn maayo” ayuu raaciyay madaxweynuhu, isagoo ku halqabsaday maahmaahdaasi.

Dhanka kale wasiirka warfaahinta C/qaadir Jaahweyn oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay in aysan si toosa iyo si dadbanba mas’uul uga aheyn wasaaradiisu qaraxii ka dhacay Tiyaatarka.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadalkii madaxweyne Shariif ayaa yiri “wargalinta xafladan mudo laba┬á todobaad ah ayaan ka wadnay warbaahinta oo dhan sida Raadiyaha, TV-ga, iyo Bogga wasaarada, madaxda dowladda oo dhanna way la socotay waqtiga xafladaasi dhaceyso, madaxweynuhuna waa la socday, mana jirto cid nalooga baahnaa in aan si gaar ah ugu wargalino”

Waxaanu war hoose ku helnay in shaqadii laga joojiyay agaasimihii wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yusuf Bahlaawi oo isagu ahaa ninkii qeybiyay warqadaha casuumaada ee lagu galay xafladaasi, mana jirin wax tixraac ah oo laga qoray dadkii loo qeybiyay warqadahaasi.

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa shalay warkiisii ku sheegay in hal xildhibaan loo geeyay 10 warqadood oo casuumaad ah, isla markaana la yiri qofkaad doonto gaarsii.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Sh. Shariif ayaa lagu eedeeyay in uu ka hor dhacay baaritaankii lagu hayay cidda ka dambeysay qaraxaasi, maadaama uu si toos ah warbaahinta ugu soo bandhigay go’aankiisa ah cidda ka dambeysay qaraxaasi, isla mar ahaantaana dusha ka saaray wasaarada warfaafinta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: