Advertisements

Hoggaanka Saraakiisha Ciidamada Siraliyon oo soo gaaray G/Gedo ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hoggaanka ciidammada Siraliyon ee ka qeyb qaadanaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gobolka Gedo soo gaaray si ay u soo qiimeeyaan deegaannada ay farriisimada ka sameysan doonaan.

Maxmuud Sayd Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda G/Gedo ayaa wuxuu Warbaahinta uga warramay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada dalka Siraliyon in ay soo gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in saraakiisha ay kulammo la qaateen sarakiisha ciidammada dowladda ee halkaasi ku sugan, si ay uga wada hadlaan howlgallada ay ciidammada Sirloin Gedo ka fulin doonaan.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in saraakiisha ay soo indha indheeyeen deegaanno badan oo gobolka Gedo ku yaalla, isagoo carrab ku dhuftay in ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ay soo gabagabeyn doonaan jiritaan Al-Qaacidda.

Dhinaca kale xildhibaan Maxmuud Sayd wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka wadaan gobollada Gedo iyo Jobbooyinka, kuwaasi oo duullaan ku ah deegaannada ay Al-Qaacidda ku sugan yihiinXarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss    Galbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: