Waxaa Saakey aroortii Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka tirsanaa baarlamaanka KMG Soomaaliya, halkaasi oo lagu daaweynayey dhawaac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaallada National Theater.
Allaha u naxariistee geerida xildhibaan Mowliid Macaani ayaa waxaa geerida Xildhibaan Macaame inoo xaqiijisay wasiirka Haweenka Marysan Aweys Jaamac oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna sheegtay in xildhibaanka uu saakay arroortii geeriyooday, sida uu u xaqiijiyay Dhaqtarkiisa.
Xildhiban Mowliid ayaa waxa uu horrey ugu dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta Theater-ka ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaalad caafimaad loogu qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
SomaliSwiss   Nairobi
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.