Mas`uulka uga sarreeya ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ee ka socda Ururka Midowga Afrika ee AMISOM Jeneral Fred Mugisha ayaa waxa uu waraysi siiyay BBC-da, wuxuuuna sheegay in Ciidamada AMISOM ay bilaabeen inay ku faafaan goobo ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Jeneral Fred Mugisha ayaa sheegay inay wadaan naqshid cusub oo 4-Saldhig oo waa wayn looga sameynayo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si ay u degaan Ciidamada AMISOM, ugana saaraan gobolka Xarakada Al Shabaab.
Mas`uukan ayaa tilmaamay in Saldhigga koowaad uu noqon doono Magaalada Muqdisho, midka 2aadna uu noqon doono Baladweyne, seddaxaad wuxuu noqon doonaa Jubbooyinka halka midka afaraadna uu noqon doono gobolada Bay iyo Bakool.
Dhanka kale Taliska AMISOM ayaa sheegay in Ciidamada la geyn doono ay isugu jiri doonaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone taasina ay fududeynayso in Al Shabaab lagala wareego gobolada ay Maamulaan sida uu hadalka u dhigay,.
Si kasta ha ahaatee dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka socda AMISOM ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyadoo sidoo kale shalay Saraakiil ka socota wadanka Sierra Leone ay gaareen deegaanno iyo degmooyinka ka mid ah gobolka Gedo Koofur galbeed ee dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.