Madaxweyne Axmed Maxamed (Silaanyo) oo magcaabay guddiga wada hadallada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo oo ah Madaxweynaha maamulka Soomaalilad ayaa magcaabay guddiga wada hadallada dowladda Soomaaliya, iyadoo ay guddigaasi ay kulan magaalada London kula yeellan doonaan ergo ka socota dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in la magcaabay guddiga wada hadallada maamulkaasi iyo dowladda Soomaaliya, guddigaasi ayaa waxaa loo magcaabay wasiirro ka tirsan Soomaaliland.

Dhanka kale sida War-saxaafadeedka lagu sheegay in Guddigan uu yahay  guddi farsamo, kaasi oo loogu talagalay inay si toos ula galaan wada hadallo dowladda Soomaaliya, xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo ku aadan , sidii wada hadallada ay yeellan doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay u noqdaan kuwa mira dhal ah, Guddigaani ayaa kala ah sidan,

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Caabdullaahi Cumar

3. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

4. Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa laga soo saaray War-saxaafaddeedka lagu muujinayo sidii ay in labada dhinaca ay uga qeyb gali doonaan kulan gogolxaar ah oo ka dhici doona magaalada London ee dalka Britain, si loo dhammeystiro wada hadalladaasi.

Sida la wada ogsoon yahay Wada hadallada Laba dhinaca ayaa qeyb ka ah qodobadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain 23kii Febraayo 2011ka.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: