Kooxda Qaylo-Dhaan oo dhowaan saareysa Hees cusub oo loogu magac daray Qaylo-dhaan2.

HOOS KA DAAWO AMA AKHRI

Halkaan ka akhri

Kooxda Qaylo-Dhaan oo saareysa Hees cusub oo la yiraahdo Qaylodhaan2.

Kooxda qaylodhaan oo inta badan looga bartey ineey ka turjumaan dareenka shacabka soomaaliyeed eek u aadan daruufaha ad adag ee ka jira dalkeena hooyo,kuwaasoo inta badan ku cabira qaab suugaaneed oo dareen jiite ah,ayaa ku hawlan xiligan la joogo soo saarida hees cusub oo la yiraahdo(Qaylodhaan2)Taasoo horey ay usoo saareen heestii qaylodhaan1 oo ahayd hees can baxdey oo ay kooxdani ka sameeyeen qaraxii iyo ismiidaamintii foosha xumayd ee ka dhacdey Hotel Shaamoow oo ay ku geeriyoodeen masuuliyiin iyo shacab aan waxba galabsan,Heestaas oo noqotay heesta ay sitaan magac ahaan Kooxda qaylo dhaani,waxaana erayadeeda iska lahaa Abwaanka caanka ah Dr-Cabdi Shirre Jaamac.

Heestaaan la magic baxday Qaylodhaan2 oo uu hada soo saarideedii uu gacanta ku hayo abwaan-alfanaan Xusseen shirre jaamac(Cayaar-jecel)mar aan wax ka weydiiyey waxa uu ii sheegay in heestan muhindiskeeda ay maskaxdiisa Kasoo maaxatey Abwaan soomaaliyeed oo ku nool dalka SWEDEN,Magaciisana la yiraahdo-Abwaan C/salaam Cali muuse,

Kaasoo ka tiiraanyoodey qaraxii foosha xumaa ee ka dhacay Golihii murtida iyo madadaalada oo ay ku geeriyoodeen xubnihii ugu sareeyey bahdii Sportiga soomaaliyeed iyo xildhibaan qaali ka dhex ahaa bulshada soomaaliyeed iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan dawlada kumeelgaarka ah,iyo dhaawacyo tiro beel noqday taasoo ay geeysteen majixanjixayaal arxan darani.

Heestan la magac baxdey Qaylodhaan2 oo ka turjumaysa qaraxii foosha xumaa ee ee maalinimadii ahayd 4-4-12 ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada hadaan idiin soo hormariyo erayo kamid ah heestaas waxay qaylodhaan ka tiri bal ila eeg.

qaxa iyo wareerkiyo
kuwa qaraxa nagu waad a
noodiidan qaayaha
qaaducul dariikhyada
qori baas larooraha
rabiyoow inaga qabo
qisaas aandhamaneyn
qiil usameeyaha
qaadiroow inaga qabo
qaaradeena dhaafsii
qolo kalana ha u geyn
qolo kalana ha u geyn
qaxooteeey natageen
qalad bateey sax moodeen
qaruumihii nawada mare
qabuurahii lasoobaxe
Waa inaan iska qabanaa…

Heestan la magac baxdey Qaylodhaan2 waa hees aad u dheer balse heesta oo buuxda oo coda Dhawaan filo sida ugu dhaqsaha badan insha-allaah.

Waa eraydii Abwaan  Cabdi Salan Cali Muuse Qabsato oo dagan dalka Sweden
Fananinta qeylo dhaan oo heestan sida wada jirka ah u qaadeysa waxaa kamid ah.
Hormuudku waa abwaan/Alfanaan  Xuseen Shire Jaamac(Cayaar jecel)
Hobaladii codka halaasiga lahayd ee Xaawo Kiin
Hobalkii dada yaraa ee laga daba dhacay waa-  Feysal Jawaase
Iyo weliba  Abuukar Xaaji Cabdi  iyo Bakar.

Waxaanu ka wardhowrnaaba waa heestii cusbayd ee Qaylo dhaan2 oo soo bixi doonta dhawaan sida ugu dhaqsaha badan(Insha allaah).

Inta ka horeysa nagula nasta Heestii qaylo dhaan oo mataanta la ahayd heestan cusub ee hawada kusoo jirta ee Qaylo-dhaan2.

By-Durraan shirwac
London/Uk

HEESTII LAGA SAMEYEY QARIXII HOTEL SHAMOW EE QEYLO-DHAAN.

%d bloggers like this: