War ka soo baxay Gudiga qaban qaabada Doorashooyinka Madaxtinimo ayaa sheegaya in ay maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay soo bandhigeen sharuudaha laga rabo musharaxa xilka madaxtinimada.
Sidoo kale Kullanka guddigan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka wada hadlay sidii loo soo dedejin lahaa ololaha Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Qof ka mid ah guddiga qaban qaabada ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laga bilaabo shalay oo ay taariikhdu tahay 7-da bisha April ilaa iyo 21-ka bishan ay socon doonto arraaji qabahada musharaxiinta doonaysa inay isu soo taagaan xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo isna kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in 30-ka bishan ay doorashada Madaxtinimo ay ka dhici doonto Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, isagoo ka dalbaday musharaxiiinta xilkaasi inay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.
Dhanka kale Guddigan ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadi doonaan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan la’ogayn sida ay kusuuro gali karto inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha dowladda KMG ah maadaama beesha Caalamka ay waddo dadaallo ay ku doonayso inay ku xaliso khilaafaadka ka dhex taagan Barlamaanka Soomaaliya.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.