Yaa Iska Leh Mas’uuliyada Qaraxii Tiyaatarka??

Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku sugan xaalad murugo iyo cabsi badan leh, kadib qaraxii dhowr bari ka hor ka dhacey xarunta masraxa qaranka kadib in kayar laba todobaad furitaankiisa oo dhaliyey buuq badan, waxaase ugu yaab badan markii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Hogaanada Nabadsugida iyo Boliiska Gobolka Benadir ay wada sheegeen inaan lagu soo wargelin dhicitaanka Xafladaan oo muddo todobaadyo ah xaseysiis lagu faafinaayay TV-da dowlada KMG ah ee Muqdisho & Nairobi.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in qaraxaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha Dowlada KMG ah, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in ilaalada Goobtaasi ay sugaayeen ciimadada xoogga dalka oo aan horey looga baran iney xafladahaas ilaaliyaan. Su’aashuse waxey tahay. Yaa iska leh Mas’uuliyada qaraxaasi? Ma Kooxda soo abaabushay? mise kuwa maalgeliyay? Runtii waxaa aan shaki ku jirin in xafladaasi ay soo qabanqaabiyeen Wasaarada Warfaafinta qeybta Talafishenka Hey’ada Theatere-ka iyo Hey’ad NGO ah (CRD) oo la sheegay iney si dadban u maamusho Golaha Murtida, kuwaasoo la sheegay iney dhegaha ka fureysteen in xoojin amaanka goobtaasi ay sameyn ku yeeshaan Saraakiisha Nabadsugida & kuwa Boliiska.

Ra’isal wasaaraha┬áSomalia Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ahaa martiga ugu caansanaa ku dhowaad 300 qof ee halkaasi joogay, kuwaasi oo lagu casumey dabaaldega sanadguurada koowaad ee kasoo wareegtey markii dib loo hawlgaliyey telefishinka Qaranka Somalia.

Sida lagu sheegey warbixin ay soo daacabdey BBC-da waxay ahayd tani caqabad kale oo la soo gudboonaatey dadalada nabadeed ee Somalia. Fowdo iyo nidaam daro ayaa ka jirtey masraxa kadib qaraxa, kuraas jajaban ayaa meel kasta daadsaneyd.

BBC-du waxay raacisey in qaabka dadka dhaawaca loo daabulayey uu xitaa ahayn mid saxan, suxufufiyiinta qaar waxay sheegeen inay kuraasta iyagu hagaajisteen lagu qaadey isbitalka.

Boliska ayaa sheegey inay baaritaano horey ka sameeyeen ku ogaadeen in haweeney ay ka dambeysey qaraxa, balse kooxda shabaabka ayaa sheegtey inay ku beertey qaraxa masraxa ka hor munaasabada oo telefishinka laga shaaciyey habeenimadii Salaasada, inkastoo dhulka aan lagu arkin meel ay miinadu qoday warka ay sheegteena shaki gelinaaya.

Goob jooge ku sugnaa xafladaasi ayaa sheegay in dadka la martiqaaday si adag loo baaray dhamaan martida markii ay soo galayeen goobtaasi, iyadoo shaki laga qabo qaabka sahlan ee ay gabadhaasi ku soo gashay Xaruntaasi, sidoo kale la fadhiisiyay meel aan ka fogeyn kuraasta Wasiirka 1-aad ee Dowlada KMG ah, taasoo muujineysa inay hawshani tahay mid laga soo abaabuley gudaha.

Ugu dambeyntii, waxaa dad badani ay is weydiinayaan. Maxaa loo faafinayaa warka munaasabada hadii xukuumadu aysan awood u lahayn inay sugto amaankeeda ka sokow xitaa raysal wasaaraheeda gaarka ah, maxaase Xukuumada u diiday iney banaanbax looga soo horjeeda Wakiilka UN-ka loo diiday in la dhigo iyadoo marmarsiinyo looga dhigaayo iney dhibaato ka dhici karto banaanbaxaasi oo ay ku soo gabadaan kooxda Al-Shabab.

Source: Wadanka

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: