Halkaan ka akhri
Waxaa galabnimadii shalay ka dhacay Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Qaraxaas ayaa la sheegay inuu aad u xoog badnaa, sidoo kale goobta qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu ka socdey dabaaldagyo ay dhiganayeen Masixiyiin ku nool dalka Keniya.
Sida uu u sheegay Warbaahinta Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya George Saitoti wuxuu si kulul u camaabreeyay qaraxaani lagu qaaday Kaniisaddaas, wuxuuna sheegay inay qaraxaas ay ku dhinteen labo qof.
Mr. George Saitoti ayaa sheegay in qaraxaani ay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in iminka Xaafado dhowr ah oo ku yaalla Magaaladaasi ay ka socdaan howlgallo ku aadan qaraxaasi iyo dadkii fuliyay.
Qof Masiixi ah oo ku sugnaa Kaniisaddaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaani uu ahaa mid aad u xooggan, islamarkaana uu arkay dhaawacyada dadka gaaraya ilaa 5-ruux oo ay qaadayeen Ciidamada booliska dalka Kenya si ay u gaarsiiyaan Isbitaallada.
Toddobaadyo ka hor ayaa qaraxyo xooggan waxa ay ka dhaceen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan oo Kenyan ah, iyadoo Kenyana ay ku eedeysay Kooxda Al Shabaab.
SomaliSwiss    Nairobi
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.