Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Kulan ay yeeshee Golaha ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa waxay maanta ku cambaareeyay qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho Arbacadii lasoo dhaafay, waxayna falkaas ku tilmaamay weerar argagaxiso oo fool xun.

Sida la wada ogsoon yahay qaraxan ayaa ahaa mid ismiidaamin ah ay ku dhinteen ilaa lix qof oo ay ku jiraan labadii mas’uul ee ugu sarreeyay bahda isboortiga Soomaaliya, ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-shabaab, islamarkaasna ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sheegeen in Weerarkaas uu muujinayo in si cad loogu xadgudbayo shacabka Soomaaliyeed.

War-murtiyadeed qoraal ah oo ka soo baxay  golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in goluhu ay ka taageeyaan DKMG ah sidii ay u soo celin lahayd ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya, sidaas si la mid goluhu wuxuu sheegay in ay taageerayaan ciidamada AMISOM ee raadinaya nabad ka dhalata dalkaSoomaaliya.

Dhanka kale, goluhu wuxuu ku tilmaamay in falalka argagaxiso ee Soomaaliya ka dhacaya ay khatar muuqata ku yihiin nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed intaba.

Si kasta ha ahaatee ugu dambeyntii golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in kuwii ka dambeeyay qaraxaas waxyeelada culus geystay lasoo qabto lana horkeeno sharciga.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: