Madaxweynaha xiriirka kubadda Cagta Aduunka ee FIFA oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA Sepp Blatter ayaa wax laga naxo ku tilmaamay geeridii ku timid madaxdii Sportiga Soomaaliya kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay Xarunta Murtida iyo Madadaalada Qaranka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Sepp Blatter, madaxweynaha Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA ayaa lagu sheegay in arin naxdin leh tahay geerida saraakiishii Ciyaaraha Soomaaliya , isagoo tilmaamaya Blatter in uu si shaqsi ahaaneed uu u garanayay madaxda xiriirada Kubadda Cagta iyo Olimbikada Soomaaliya.

“ Si shaqsi ahaan ayaan u garanayay labada masuul, waxaana ka sheegi karaa wax fiican oo kaliya ah, dadaalkoodii hagar la’aanta ahaa oo ay sare ugu qaadayeen sportiga dalkooda” ayuu yiri Madaxweynaha FIFA

Sepp Blatter ayaa xusay in aan la hilmaami doonin waxyaabihii dhinaca ciyaaraha ee ay ku hormariyeen bulshada Soomaaliyeed, Saciid Mugaambe iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxaana uu sheegay in saciid uu ka mid ahaa xubinihii codkooda ka dhiibtay halka lagu qabanayo koobka Olambikada Aduunka ee dhawaan ka dhici doona London.

Dhinaca kale Xiriirka Kubadda Cagta ee Uganda ayaa aarin argagax leh ku tilmaamay dhimashada Gudoomiyihii Ciyaaraha Soomaaliya Saciid Mugaambe, waxaana ay cambaareeyeen qaraxii lala eegtay

“ wax ay ku noqotay Argagax weyn dhimashadii lama filaanka aheeyd ee ku timid Saciid Max’ed Nuur Mugaambe gudoomiyihii xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ee ku geeriyooday qaraxa, waa dhibaato weyn oo soo wajahday dhamaan qaarada Afrika ma’ahan mid ku dhacday Soomaaliya oo kaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xiriirka kubadda cagta ee Uganda.

Saciid Mugaambe waxa uu ahaa nin ay ka go’antahay diiradana ay u saarneyd maamulka ciyaaraha, dadaalkiisana waxa uu sababay in wax badan ay ka badalmaan magaalada Muqdisho.

“ Si weyn ayaa looga tabi doonaa gobolka iyo xubinamadiisa Sakafa , waxaana arin laga shalaayo ah in noloshiisa uu ku waayo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waana arin hortaala dhamaan siyaasiyiinta afrika in ay wajahaan soo celinta dhamaan sharaftii iyo nabadii qaaradeena”

“Xaaladaha ka jira Soomaaliya, Liibiya, Masar, Maali iyo Wadamo kale ayaa walaacinaya taageerayaasheeena kubadda cagta iyo maamuladeena,

Warmurtiyeedkaasi ka soo baxay xiriirka Kubadda cagta Uganda ayaa waxaa ku saxiixnaa madaxa saxaafada ee xiriirka kubada cagta Uganda Rogers Mulindwa.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: