Advertisements

Kooxda Al-Shabab oo dib ula wareegtay deegaanka Maxaas, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya degaanka Maxaas ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-Shabab ay dib ula wareegeen dagaal la’aan degaanka Maxaas, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Ahli Sunna, kuwaas oo la sheegayt in ay dib ugu laabteen degaankada Wabxo iyo Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xoogaga Ahlu Sunna ay saakay 8-dii subaxnimo isaga baxeen deegaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo aan la’ogeyn sababta keentay kabixitaankooda.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xiliyadii ugu dambeeyay ku sugnaa degaano aan sidaa uga fogeyn degaankaasi ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta Degaanka Maxaas, kadib markii taageerayaashoodu ku wargeliyeen in ay isaga baxeen xoogagii hubeysanaa ee Ahlu Sunna.

Sidoo kale waxaa lasheegay in Maleehsiyaadka Al-Shabab ay sahan u dirsadeen degaanada kale ee ku dhow dhow degaanka Maxaas, sida deegaanka lagu magacaabo Goobo oo qiyaastii 11-KM u jirta Maxaas.

Goob joogyaal degaanka ah ayaa sheegay in Horjoogayaasha Al-Shabab ay howlgalo ugaarsi ah ka bilaabeen deganaaka Maxaas, waxeyna xirxireen tiro dhowr qofood ah oo lagu tuhunsan yahay in ay taageeryaal u ahaayeen xoogaga Ahlu Sunna.

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in ciidamada Militariga Ethiopia ay ku sugan yihiin Deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 28-KM u jirta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Majirto wax war ah oo illaa iyo iminka ka soo baxay Hogaamiyeyaasha xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca, wixii war ah oo deegaanadaasi kusoo kordhana dib ayaanu idinkala soo socodsiin doonaa.

SomaliSwiss Maxaas

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: