Advertisements

Ciidammada ammaanka degmada Dharkeynleey oo ku guuleystay inay soo qab-qabtaan malleeshiyo ka tirsan xarakada Al-Shabaab

Halkaan ka akhri

Maamulka degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ayaa saakay soo bandhiggay saddex ka tirsan malleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ciidammada ammaanka ay xalay soo qab-qabteen iyagoo Miinno ku aasayay waddo aadda xerada Barakacyaasha Badbaado ee magaalada Muqdisho.

Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo ah Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey ayaa warbaahinta saakay kula hadlay gudaha saldhigga degmadaasi wuxuuna sheegay in ciidammada ammaanka ay xalay ku guulleysteen in ay fashiliyaan isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen malleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ku howllana in ay Miinno ku aasan meed ay dad barakacayaal ah degan yihiin.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley ayaa u mahad celiyay ciidamma ammaanka degmada howlgalka ay ku guuleysteen, wuxuuna sheegay in Ciidamadu ay dadaal ugu jiraan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka, loogana hortagi lahaa argagixisada dooneysa in ay shacabka Soomaaliyeed dhibaateeyaan.

Si kasta ha ahaatee habeen hore ayey aheyd markii Labadan nin ay degmada Dharkeynleey ku dileen Askari ka tirsan ciidamada booliiska, isla markiina ciidamo kale oo booliiska ah ayaa goobtii ku toogtay malleeshiyaadkaasi, waxaana shalay la soo bandhigay meydadkoodii iyo bisttooladihii ay ku hubeysnaayeen, iyadoo shalayna booliisku soo bandhigay dekomintiyadoodii.iyo meedka labada maleeshiyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: