Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ururka Al-shabaab dhexdooda uu ka jiro madmadoow iyo khilaaf dhexdooda ah.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha Ururka Al-shabaab ayaa saxaafadda u  sheegay in Ururka Al-shabaab dhexdooda uu ka jiro madmadoow iyo khilaaf dhexdooda ah, wuxuuna tilmaamay in qof islaam ah dhiigiisa in la baneesta ay tahay denbi weyn.

Sheikh Xasan Daahir ayaa sheegay in dhiiga qofka islaamka ah oo la baneesto uu yahay mid aan sax ahayn, sidoo kale wuxuu caddeeyey in aan loo baahnayn in ruuxa Islaamka ah dilkiisu loo soo gashto shaati diimeed.

Dhanka kale Sheikhu wuxuu sheegay in hadii Al-Qa`eda oo dhan la isku daro inaysan noqan Karin ururka guud ee islaamka, laakiin ay noqonayaan qeyb ka tirsan urur islaamka ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in arrinta ka keentay inuu ka hadlo ay tahay waajib saaran waayo ayuu yiri sheikh Xasan in  dadka ay ka cabsanayaan in ay ka hadlaan xaqiiqda Soomaaliya ka jirta.

Hadalkan ayaa wuxuu sheikh Xasan Daahir ka jeediyay masaajid ku yaala Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, mana la oga waxa keenay  xiligan inuu ka hadalo khilaaf ka jira Ururkiisa.

Somaliswiss   Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: