Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool oo maanta ka dhacay dagaal Culus…

Halkaan ka akhri

Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa lagu soo warramay inuu saakay ka billaabmay dagaal aad u culus  oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo state ee dhawaan ka go’ay Somaliland.

Sida lagu soo warramay dagaalkan oo saakay ka soo billaabmay duleedka magaalada Laascaanood ayaa haatan ka socda gudaha magaaladaas, warku wuxu intaa ku darayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaqa madaafiicda laga maqlaayo deegaanada ku dhow Laascaanood.

Dhanka kale wararka aan ka helayno magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in xaalad magaaladaas ay kacsan tahay, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal la xiriira kann ka socda Laascaanood.

Magaalada Buuhoodle ayaa wararka ay sheegayaan in saakay ka jiray dhaqdhaqaaq ciidan waxayna dadweynaha ku arkayeen gudaha Magaaladaas Askar u socto xeenxeen kuwaas oo isugu tagayey duleedka Magaalada Buuhoodle.

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Laascaanood ayaa sheegaya in weli uu ka socda gudaha magaalada, balse ilaa haatan lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaaamaya magaalada Laascaanood.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidammada maamulka Soomaaliland iyo maamulka Khaatumo State ayaa goor dhow ka billaabday dulleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wararka laga hellayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaalka uu dillaacay saakay xilli arroortii isla markaana uu illaa iminka ka socda meel dulleedka ka ah magaaladaasi, iyadoo ciidammada Soomaaliland iyo kuwa Khaatuna State ay soo kala gaareen khasaaro aan la xaqiijin.

Deegaanka dagaal uu ka socda ayaa lagu magcaabaa Gambarre, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay jirto cabsi ku aadan in uu saameyn ku yeesho magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo marar badan dagaallo ku dhexemareen ciidammada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo State.

Somaliswiss   Laascaanood

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: