Goobihii shalay ay la wareegeen Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo maanta deggan iyo dhaqdhaqaaq ciidanka oo ku wajahan Afgooye.

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta deggan xaaladda degmada Dayniile oo ay shalay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidammada AMISOM  ay kala wareegeen malleeshiyaadka Al-Qaacidda, iyadoo saraakiisha ciidammada dowladduna ay sheegeen in wadaan howlgallo cusub oo ku wajahan degmada Afgooye.

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa ku warrameya in qorshaha howlgalku uu yahay mid u socda sidii loogu talagay isla markaana aysan ka hor dhici doonin waxa xigga tallaabadii shalay kaddib, laakin waxa ay carrabka ku adkeeyeen in dhawaan ay gaari doonaan gobollada howlgalka u jiheystay.

Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Hoggaanka ayaa sheegay in howlgallada cusub ay wajihayiin Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, maadaama ay ku guulaysteen gacan ku haynta G/Banaadir.

Dhinca kale Dowladda KMG Soomaaliya oo hadda ku howlgallan howgal lagula dagaallamayo argagixisada Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad ee howlgallada, iyadoo qubarro dhanka ciidammada ahna ay sheegeen in dowladda Istaraajiidiyada muhiid ah ay u tahay qabsashada degmada Dayniile.

Waxaa isa soo tarraya haddal heyn ka dhalatay markii ay ciidammada dowladda iyo ciidammada AMISOM si buuxda ula warreegeen guud ahaan degmada Dayniile oo ku taalla cirifka dambe ee Muqdisho, hase ahaatee dad badan ayaa waxay ku macneeyeen dhacdada dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Deyniile in ay hoggaan u tahay qabsashada gobolka Shabeellada Hoose.

Qubarro arrimaha Military-ga ku taqasuusay ayaa sharraxaad ka bixiyey Istaraatijiyadda dhanka ammaanka ee degmada Dayniile iyo waxa ay uga duwan tahay degmooyinka kale, waxayna sheegeen in degmadaasi ay ahayd saldhigyada ugu waa weyn ay Al-Qaacidda ku lahaayen dulleedka Muqdisho, loona baahnaa in lgacanta lagu dhigo, si  amniga G/Banaadir loo sugo.

Si kasta ha ahaatee guusha ay Ciidamada gaareen, balse fikradaha ay qabaan shacabka, ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada Nabad Sugidda iyo ciidammada Booliska si aad ah loo qalabeeyo ka hor inta aysan ka howlgalin gudaha degmada Dayniile, Shacabka waxay ugu hambalyeeyeen ciidamamda Qaranka guusha ay gaareen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: