WARBIXIN DHEER: Ciidamada Xoogga Dalka oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyay qeybihii u dambeeyay ee ay Dayniile uga sugnaayeen.

WARBIXIN FAAHFAAHSAN

Halkaan ka akhri

Dagaalkii cuslaa ee saaka waaberigii ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Dayniile oo ay hore ugu sugnaayeen xarakada Al-Shabaab, halka qeyb kalena ay hore u qabsadeen ciidamada dowladda DKMG ayaa illaa galabta soo gaarey, ka dib markii weerar rogaal celis ah ay galabta soo qaadeen xarakada Al-Shabaab.

Saraakiisha militariga AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa xaqiijiyey in gelinkii hore ay wada qabsadeen dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay degmada Dayniile oo dhacda koonfurta waqooyi ee magaalada Muqdisho

Meelaha saaka dowladdu kala wareegtey Al-Shabaab waxay kala yihiin-; Saldhigii degmada Dayniile, isbitaalkii Degmada, Garoonka Diyaaradaha iyo Hoygii Maxamed Qanyare Afrax illaa jidka dusha ka mara degmada Dayniile halkaas oo wax yar u jirta deegaanka KM13 iyo Ceelasha Biyaha.

Al-Shabaab oo saaka gelinkii hore dagaalka ku jabay ayaa weerar rogaal celis ahaa soo qaaday Duhurkii ka dib, iyadoo dagaal culus uu markan dambe dhexmaray ciidamada DKMG oo kaashanaya AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab, inkastoo ay mar labaad dagaalkii ku guul dareysteen ciidamdii xarakada Al-Shabaabka.

Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay

Inkastoo aan weli la-heyn tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalkaasi, hadana waxay warbaahintu sheegtay in illaa 6 qof  oo labada dhinac ah ay ku dhinteen,  halka 8 qof oo rayid ah la geeyey isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale, xaafado ka tirsan deegaankii loo qaxay ee Ceelasha biyaha ayaa la sheegay in madaafiic ku dhacday ay sababeen in dad rayid ah ku dhinteen, dhaawacna uu jiro, hase yeeshee lamahayo tirada rasmiga ah.

Afhayeenka AMISOM Pandy Nkunda oo saxaafadda la hadlay subaxnimadii hore ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa weerar ay iyagu qaadeen, isagoo sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo askartooda ka soo gaaray dagaalka maanta dhacay.

Dhinaca kalena, Abaanduulaha ciidamada DKMG Soomaaliya Gen C/kariin Yuusuf Dhagabadan oo saxaafada kula hadlay degmada Dayniile ayaa sheegay in hawlgalkii maanta ay ku guuleysteen, mana uusan sheeghin wax khasaare ah oo soo gaarey dhinacooda, isagoo ku goodiyey in ay baacsiga Al-Shabaab sii wadi doonaan “illaa iyo meel la og yahay” waa siduu yiriye.

Dhegabadan ayaa sheegay in ciidamadii Shabaab ee joogay Dayniile ay kala firxadeen markii ay meesha gaareen kuwa dowladdu, Hase yeeshee afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlay idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa sheegay in duulaan ay ku soo qaadeen dowladda iyo AMISOM ay iska caabiyeen, sidoo kalena ma sheegin khasaaraha soo gaaray Al-Shabaab.

Abuu Muscab ayaa ku faanay in labo baabuur oo AMISOM leedahay ay ku gubeen dagaalkii maanta, halka mid saddexaad oo ciidamada DKMG ah ay watena ay ku qabsadeen, waa sida uu sheegtaye.

Dagaalka maanta ayaa saameyn ku yeeshay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo wax gaadiid ah aysan marin maanta dagaalka dartiis, taasoo keentay in dad fara badan oo u kala gooshi jiray magaalada iyo deegaanada loo barakacay aysan saaka socon.

Muhimada dhulka lala wareegay

Qeybo ka mid ah Degmada Dayniile ayaa ahaa furin dagaal tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore markaas oo ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ay qeybo ka mid ah degmada ka saareen Al-Shabaab.  Dagaalkaasi November ka dhacay Dayniile waxay Shabaabku sheegteen in ay ku dileen askar fara badan  oo Burundi ah, inkastoo ay taas beeniyeen Amisom.

Intii ay dhacayeen isbedelada amni ee ka jiray caasimada, waxay Dayniile ahayd meel ay dagaalo ka soo qaadaan Al-Shabaab iyagoo xitaa toddobaadyo ka hor booqasho lug ah ay ku mareen saraakiishooda ciidamda ugu sareysa.

Dagaalka maanta ayaa sababay in dhul badan oo aad u muhima uu soo galo gacanta dawlada iyo AMISOM taasoo ka dhigan in guud ahaan caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda 100% ay hadda maamusho dawlada KMG. 

Dabcan dhinaca kale, Qabsashada Dayniile waxay kaloo muhim u tahay jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo dhaqdhaqaaqiisa lagala socon karaa, markii si kale loo dhigana cida heysata Dayniile waxay awood u leedahay inay si fudud u Koontaroosho ama ugu dhaqaaqdo Afgooye, Balcad iyo deegaano kale oo ay waddooyin hoose u baxaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: