Shirkii wadamada carabta oo la soo gaba gabeeyey iyo War-murtiyeed laga soo saaray Shirka.

Halkaan ka akhri

Shir madaxeedkii 23aad ee ururka jaamacadda carabta ayaa maanta la soo gabagabeeyey waxaana ka soo baxay  War-murtiyeed ka kooban qodob ah oo gebi ahaantoodba salka ku haya xallinta dhibaatooyinka ka taagan dalalka Soomaalia, siiriya iyo falastiin. Waxaana qodobada Somalia quseeya amid ah :

1-In lagu dadaallo sidii soomaalida dhexdeeda loo dhexdhexaadin lahaa, islamarkaana loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka mudda dheer dalka ka jiray.

2-In soomaalida laga taageero dhianacyada waxbarashada, caafimaadka, dib u dhiska dalka iyo soo celintanabadda.

3-In umadda Soomaaliyeed lala gaaro Kaalmo bini’aadinimo oo deg deg ah si umadda Soomaaliyeed ay uga soo kabtaan xaalad xumadii ka dhalatay abaartii sanadkii tagay Somalia ka dhacday.

Madaxda ka soo qeybgashay kulanka ayaa waxay sheegeen inay is-garab istaagayaan soomaalida oo ay ku dadaalayaan sidii soomaaliya u noqon lahayd dal aamaankii iyo deganaashihii uu lahaa uu dib u soo ceshto.

Sidoo kale waxana madaxda carabta ay ugu baaqayn dhinacyada Soomaalida inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii dalkooda uu u oqon lahaa mid nabad ah.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay Xogayaha guud ee Uruku shirwaynaha islaamka Prof. Ikmaalu diin Ixsaan oo madassha kulanka kaa haadlay ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in xilligan wixii ka dambeeya ay noqdaan kuwo arimahooda ku xaliya hab wadahadal oo ay ka gudbaan dagaalka.

Dhanka kale Madaxwaynaha dowladdaKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Kulankan ka qeyb galay ayaa waxaa halkaasi ka jeediayay qudbad dheer oo madaxda carabta uu ugu baaqay in Somalia ay la soo gaaraan kaalmo si umadda Soomaaliyeed ay uga samata baxdo dhibaatada.

SomaliSwiss    News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: