AKHRI WAR SAXAAFADEED
Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xilkii ka qaaday wasiirkii Beeraha Xanaanada xoolaha Dhirta iyo daaqa ahaana Raysal wasaare ku xigeen.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu shaaciyay xil ka qaadistaan waxaana warkaasi uu u qornaa sida tan.
                          Warsaxaafadeed.
Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah.
Markuu arkay:- Qodobka 2aad sharci lam.14 ee 3di juun 1962kii iyo wax ka baddalkii ka danbeeyey ee            Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo).
Markuu tixgeliyey:- Soo jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/412/03/2012 kuna taariikheysan 20ka Maarso 2012ka oo ku saabsan xil gudasho la’aanta Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa
Asagoo Aqoonsaday:- in ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,Amaano iyo karti ku dheehanyihiin.
Wuxuu Soo Saarayaa Xeerkan:-
Qodobka 1aad
Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.
Qodobka Labaad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa isla marka uu saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dowladda
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.