Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Q/M oo ansixiyey qaraar ku wajahan xaaladda Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Waxaa bishan March14-keeda  ku kulmay magaalada Geneve e dala Switzetland Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, waxaana kulankaas Soomaaliya uga qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Q. M. ee Geneve

Danjiruhu ayaa Warbaahintu u sheegay in Golaha Xuquuqal Insaanka Q/M ay si aqlabiyad leh u ansixiyey qaraar ku wajahan xaaladda Xuquuqal Insaanka ee ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah in dowladda KMG ah lagu taageero horumarrinta xuquuqda Aaadanaha.

Shirweynihii 19-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha oo dhowaan ka dhacay magaalada Geneve ee dalka Switzerland ayaa si aqlabiyad buuxda leh loogu ansixiyey Qaraarkii lixaad, tan iyo bishii March 29-keedii sannadkii 2008-da, kaasoo ku wajahan xaaladda Xuquuqal Insaanka ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Q. M. ee magaalada Geneva Dr. Yuusuf Maxamad (Yuusuf Baribari) oo Golaha ka akhriyey bayaankaas ayaa waxaa uu sheegay in qaraarkan ay si wadajir ah u soo diyaariyeen qaar ka mid ah safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda, kaasoo ah mid ka duwan qaraarradii hore, isla markaasna muhiimad gaar ah u leh dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Mudane Yuusuf Baribari ayaa sheegay in ay dhowaan Soomaaliya ay soo booqan doonaan wafdi heer sarre ah oo ka socda Xafiiska Q/M. ee Xuquuqda Aadanaha kuwaasoo u kuurgali doona waxa ay dowladdu uga baahan tahay dhanka sare u qaadidda tayada hay’addaha dowladda iyagoo kala sixiixan doona heshiis qeexaya nooca iskaashiga dhex mari doona dowladda iyo xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Danjire Dr. Yuusuf Maxamad (Yuusuf Baribari), wuxuu sheegay in mar uun sharciga la horkeeni doono dadka ku xadgudba xuquuqda Aadanaha, wuxuuna tilmaamay in arrinta gudashadeeda looga fadhiyo dowladda KMG.

Sida uu sheegay Danjire Dr. Yuusuf  in Bayaankan ay taageereen 44 dal oo ay ku jiraan dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka, danjirayaasha dalakaasi u fadhiya Xarunta QM ee Geneve, wuxuuna Danjiraha Soomaaliya ee fadhiya Xarunta QM ee Geneve ka codsaday in shirweynaha 19-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ka akhriyo bayaankas, kaasoo isagana qabsoomay 23-kii bishan March.

SomaliSwiss     Geneve

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: