Dowladda KMG ah oo shacabka Muqdisho uga digtay inay maanta dhigaan banaan baxyo looga soo horjeedo Agustine Mahiga.

Dhegayso Dowladda oo diiday Banaanbaxa

Halkaan ka akhri

Ururada bulshada rayidka ee ka dhisan caasimada Soomaaliya qaar ka mid ah ayaa iclaamiyay banaan bax weyn oo looga soo horjeedo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agustine P. Mahiga. DOWLADDA KMG AH OO DIIDAY, HALKAAN KA DHEGEYSO WAR DEG DEG AH OO DOWLADDU SOO SAARTAY

Dibad baxan oo maalmahan laga abaabulaayay Muqdisho, ayaa waxa hoggaaminaya Sheekh Axmed Dhicisow oo madax ka ah kulanka culimada Soomaaliyeed, wuxuuna u sheegay warbaahinta, in danjire Mahiga uu fintno ku yahay dalka, wuxuuna sheegay in ay ujeedadoodu tahay inay doonayaan in dalka laga ceyriyo Agustine Mahiga,

Dhicisoow, Wuxuu sheegay in banaan baxaasi dhici doono Salaada jimcaha ka dib, isagoo tilmaamay in dibad baxa oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan dadka ku dhaqan caasimadaMuqdisho  in uu ka dhici doonoTaaladii Sayidka.

Sheekh Dhicisocow ayaa sheegay in ay fasax ka heystaan wasaarada amniga ee dowladda KMG ah, isagoo dhinaca kalena ugu baaqey Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon inuu ka badelo ninka hadda u qaabilsan Soomaaliya,  isagoo sabab uga dhigay in uusan ka shaqeyneyn howshii loo soo diray iyo danta  Soomaaliya intaba.

Dhinaca, kale wasaarada Amniga iyo arrimaha gudaha ayaa sheegtay in aysan jirin wax fasax ah oo ay bixisay iyo banaan bax la qaban karo toona, mana cada sida uu dibad baxan u qabsoomi karo. HALKAAN KA DHEGEYSO WAR DEG DEG AH OO DOWLADDU SOO SAARTAY

Haddii uu dibad baxa dhaco ,waxa uu noqon doonaa dibad bixii ugu horeeyay ee dad badan ka soo qeybgalaan oo looga soo herjeedo danjire Mahiga, oo hadda dhaliilo badan kala kulmaya bulshada soomaalida.

SIDOO KALE: Hey’addaha ammaanka qaranka ayaa si wadajir ah uga digay in maanta magaalada Muqdisho laga sameeyo bannaan bax, iyadoo ay warbaahinta qaranka saaka ka ahdleen, Taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed, Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo agaasimaha guud ee hey’adda Nabad Sugidda qaranka, kuwaas oo ka digay banaan baxa lagu dhawaaqay.

” Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho waxaan u shegeynaa in maanta aan magaalada laga sameyn Karin wax dibed bax ah isla markaana ay uga dhigayaan dadka isku dayaya in ay arrimaha noocaasi ah shacabka u billaabaan” ayey ku yiraahdeen hadalkooda.

Si kastaba, waxaa muuqata, inaysan dowladdu raalli ka ahayn in magalada Muqdisho laga sameeyo dibad baxyo ka dhan ah Agustine Mahiga oo shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha iyo kuwa dibadda intuba aad u necbeyteen qaab dhaqanka ninkaasi, iyagoo markastana Xoghayaha Qaramada Midoobay Banki Moon ugu baaqa, in laga bedelo, hase yeeshee ay muuqato inaan weli arrintaas lagu dhaqaaqin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: