Xoghayaha Britain u qaabilsan Afrika oo Kampala ka furay xarun cusub oo lagu tababarayo ciidamada Uganda ee ku biiraya Amisom.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha dowladda Britain u qaabilsamn Qaaradda Afrika Henry Bellingham ayaa booqasho ku tagay Caasimadda dalka Uganda ee Kampala wuxuuna shalay uu xariga ka jaray xarun cusub oo lagu tababarayo ciidamo ka socda dowladda Uganda kuwaasi oo la doonayo in ay ka qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mr. Henry Bellingham wuxuu ku dhawaaqay shalay in 200,000-kun oo doolarka Maraykanka ah oo dhaqaale dheeri ah lagu bixin doono tababarada loo fudinayo ciidamada Uganda ee la doonayo in ay ka qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

Mr. Bellingham. Mr. Bellingham oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ Tani waxay fursad wanaagsan u tahay Soomaalida, maxaa yeelay Al Shabaab waxaa laga saaray Muqdisho, sidaas darteed lacagtan waxaa bixinaya Beesha Caalamka si loogu guuleysto nabad kusoo dabaalida Soomaaliya iyo burburinta Xarakada Al-Shabaab”.

Dhanka kale Henry Bellingham ayaa sheegay in dhaqaalaha Britain ay ku bixinayso howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku kordhisay 23.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo daba socotay qaraarkii ay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku kordhiyeen tirada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee dorraat ayay aheyd markii koox ka tirsan Ciidamada Britain oo ka koobneyd 27 askari ay gaareen dalka Uganda si ay halkaasi uga fuliyaan tababarka la doonayo in la siiyo ciidamo nabad ilaalinta ah oo la doonayo in la geeyo dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: