Xafiiskii Midowga Yurub oo dib looga furayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. .

Halkaan ka akhri

Agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika Dr. Nick Westcott ayaa sheegay in dib loo furi doono xafiiskooda Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Dr. Nick Westcott oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay u indha-indheyn lahaayeen jawigamagaalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, una qiimeyn laahaayeen, wuxuuna xusay in ay xaalad wanaagsan ay la kulmeen, sidaasi darteedna ay dib uga furanayaan Soomaaliya xafiiskii Midowga Yurub.

Mr. Westcott oo haddalkasii sii wata ayaa yiri “Midowga Yurub waxa uu diyaarinayaa xafiiskiisii Soomaaliya iyo xubnahii ka howlgalli lahaa, sidoo kale waxaa jira dadaal ballaaran oo aan ugu jirno sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa meesha ay hadda joogto meel ka wanaagsan”.

Wuxuu kaloo uu soo haddal qaaday Dr. Westcott arrimaha burcad badeedda, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu xoojinayo la dagaallan burcad badeedda iyagoo kaashanaya ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya si loo bad baadiyo hantida dalalka caalamka iyo Danta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee Midowga Yurub ayaa caddeeyey in Ururkiisa uu marna aysan joojin doonin taageerada Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo ammaanka ee Soomaaliya, wuxuuna raaciyay in ay ka qeyb qaadanayaan marxaladda kala guurka ah oo ay Soomaalidu doonayso in ka gudubto.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: