Madaxweyne Shariif oo gaaray xalay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

Halkaan ka akhri 

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya sheikh Shariif ayaa gaaray xalay magaalada Baghdad ee dalka Iraq wuxuuna saacadihii hore ee xalay uu kulan la qaatay Masuuliyiinta sare ee dalka Ciraaq wuxuuna maanta uu madaxweynaha iyo wefdigiisa ay ka qeyb galayaan shirka Ururka Jaamacadda Carabta ee halkaasi ka furmay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Iraq Ambassador Saciid Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu kulan gaar ah la qaatay xalay markii uu soo gaaray magaalada Baghdad ee dalka Iraq, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Safiirku wuxuu intaa raaciyay in ay Masùuliyinta ay ka wada hadleen xiriirka Labada dowladdood iyo in ay gacan siiyaan dowladda Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Shariif uu dowladda shacab Iraq uu uga mahad celiyay sida ay gacan u istaageen shacabka Soomaaliyeed xilliga ay abaarka ka dillaacday dalka, dhinaca kale madaxda Iraq ayaa sheegtay in ay sii wadayaan taageerada ay ugu talagaleen dalka walaalahooda ah ee Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay kulankii kan ka horreeyey ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isla markaana Soomaaliya ay door wanaagsan ka qaadatay, sidoo kale ajandayaasha madaxda iyo boqorada ay ka dooddi doonaan ayaa ka mid ah Xaaladda dalka Soomaaliya.

Wafdi uu horkacayay madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Baqdaad u aaday ka qeybgalka shirka Madaxda Jaamacada Carabta ee looga hadli doono arimo Soomaaliya iyo Siiriya quseeya.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee jaamacadda carabta Nabiil Al-Carabi oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in shir madaxeedka Baqdaad ka dhacaya furmaya ulanka baqdaad lagu lafa guridoono arimaha ka taagan wadamada carabta iyo sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka jirta dalalka ay kamid yihiin siiriya ,falastiin iyo Soomaaliya.

SomaliSwiss  Baghdad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: