Advertisements

Xogayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ururka jaamacadda carabta oo Somalia ay ka mid tahay ayaa la sheegayaa in ergooyin ka kala  socota waddamada carabta ay ku sii qul qulayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo la filayo in malinnimada berito ah uu ka furmo kulan si wayn loo wada sugayo oo looga hadli doono arimo ku saabbsan dalalka carbta ee ay dhibaatooyinka ay ka taagan yihiin sida soomaaliya iyo siriya.

Nabiil Al-Carabi oo haatan ah Xogayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo la hadlay wargayska La Hayat ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in kulankaasi lagu lafa guri doono arrimaha ka taagan wadamada carabta iyo sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka jirta dalalka ay ka mid yihiin siiriya ,falastiin iyo Somalia .

Sidoo kale Xogayaha guud wuxuu rajeeyey in kulanka uu noqon doono mid ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo xal u noqda xalinta dhibaatooyinka wadamada carabta ka jira.

Wuxuu kaloo uu sheegay in Somalia xilligan ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin amni darro iyo falalka ay sameenayaan burcadda badaha Somalia oo uu tilmaamay in arimahaas oo idil dalalka carabta ay isku dayi doonaan inay xaliyaan.

Dhanka kale Wadamada carabta ayaa dad badan waxa ay ku eedeeyaan inay ka jiifteen dalka Somalia oo aysan isku dayaynin xalinta dhibaatada ka jirta muddada 21ka sano ah dalka Somalia, waxana shaqsiyaadka dhaliilsan carabta kamid ah safiirka Somalia u fadhiya dalka Masar ahna u qaabilsanaha dalka Somalia ee jaamacadda carabta, Ambassador c\lahi xasan maxamuud oo wadamada carabta ku eedeeyay in arimaha Somalia ay kaga dambeeyaan dalalka reer galbeedka oo uu maraykanku ugu horeeyo.

Balse Ambassador C\lahi Xasan Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka carabta in mowqifkaasi ay badalaan islamarkaana ay ku dadaalaan xalinta dhibaatada ka taagan dalka Somalia.

SomaliSwiss    Qaahira

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: