Advertisements

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya oo sharraxay Nin Ajnabiya oo ay shalay Garoonka Muqdisho ku qabteen.

Halkaan ka akhri

Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in nin ajnabi ah oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho uu doonayay inuu ka barbar dagaalamo ururka Al-Shabaab laguna qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha Laanta Socdaalka Jen Gaafow ayaa sheegay ninkaasi halka haatan lagu hayo, isagoo sheegay inay ku wareejiyeen ciidamada AMISOM, bacdamaa uu sitay qalab fara badan oo walxaha qarxa laga sameeyo, isagoona sheegay inay haatan socoto baaritaano la xariira socdaalkiisa.

Jan. Gaafow oo wata hadalkiisa wuxuu yiri: “Ninka ajnabiga ah ee doonayay inuu Shabaab ku biiro ma lahayn astaan Muslimnimo labada dhegood ayaana u durnaa” wuxuuna intaas ku daray in ninkaasi ay qabteen ciidamada sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda KMG ah wuxuu sheegay in ninkaasi uu jaha wareeray, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ku biirayo ururka Al-Shabaab una socdo magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Sida uu sheegay Jen. Gaafow in inta aan Ninkaan lagu wareejin  ciidamada AMISOM waxaa gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho su’aalo ku weydiiyay ciidamada Dowlada KMG ah iyo weriyeyaal, isagoona si cad u qirtay inuu Soomaaliya u yimid inuu taageero ururka Al-Shabaab.

HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA VIDEO NINKAAS LAGA DUUBAY

SomaliSwiss    Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: